Akhri: Nuxurka Mooshin saaka Golaha wakiillada u soo Gudbiyeen 20 mudane

0
261

Hargeysa (Dawan) 20 muddane oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa shir-guddoonka golaha wakiillada, u gudbiyay mooshin sharci oo ah in goluhu soo saaro go’aan gole oo uu ku taageerayo, go’aankii maxkamadda sarre ee Somaliland ay ka soo saartay arrinta Caymiska.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee golaha wakiiladda Xildhibaan Cabdirashid Cabdillaahi ayaa muddanayaasha ka hor akhriyay mooshinka ka sharci ee muddanayaashaasi, ka soo saareen arrinta caymiska oo cabashooyin badan ka soo noqdeen.

Intaasi ka dib Garyaqaanka golaha ayaa xildhibaanada la wadaagay sharcinimada mooshinkaasi iyo in uu waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka, waxaanu Shir-guddoonka iyo mudanayaasha u sheegay inuu mooshinkaasi sharci waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha iyo dastuurkaba.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland ayaa cod galiyay mooshinkaasi sharci ee xildhibaanadu soo jeediyeen.

Golaha wakiillada ayaa saaka waxa ka soo xaadiray 51 mudane mooshinka sharci waxa o ogolaaday in la ansixiyo 43 xildhibaan waxa diiday 5 xildhibaan waxa ka aamusay 2 xildhibaan, sidaasi ayuu ku ansaxay mooshinka sharci ee 20-ka xildhibaan u soo gudbiyeen golaha wakiillada.

Halkan ka akhri nuxurka mooshinka iyo liiska mudanayaasha soo gudbiyay.

No photo description available.

No photo description available.

Leave a Reply