Maayarka Buuhoodle iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Kormeer ku soo Maray Deegaamo Kala Duwan

0
287

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Buuhoodle (Dawan): Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay safar shaqo ku soo maray deegaamadda Dhalaamo-cune, Banyaal, Dogoble, iyo Bali Cad, oo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, waxaa safarkaasi ku weheilinayay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Buuhoodle Khaalid Xuseen Maxamed, iyo xubno ka mida xildhibaanadda golaha deegaanka Buuhoodle.

U jeedadda safarka maayarka iyo weftigiisa ayaa la xidhiidhay u kuur gelida baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaamadaasi iyo xaaladaha nololeed iyo baahiyaha ka jira ee haysta bulshadda.

Bulshadda ku dhaqan deegaamadda Dhalaamo-cune iyo Banyaal, oo ay maayarka Buuhoodle iyo weftigiisu Lugta hore ee safarkoodda ka bilaabeen ayaa si diiran u soo dhaweeyay maayarka iyo weftigiisaba.

Iyadoo maayarka Buuhoodle iyo golihiisa deegaanku ay ka soo kicitimeen deegaanka Widh-widh, oo xarun ku-meel gaadha u ah hawlahoodda shaqo, maadaama oo aanay xaruntoodda Buuhoodle sababo amaan darro awgeed ugu shaqayn Karin.

Waa markii u horaysay oo maayar ka socda degmadda Buuhoodle uu deegaamadda hoos yimaadda ku soo marro safar noocaasi ah oo uu ugu kuur gelayo xaaladaha nololeed iyo baahiyaha ka jira ee haysta bulshadda.

Bulshadda ku dhaqan deegaamadii kala duwanaa ee ay soo mareen maayarka iyo weftigiisa ayaa dhamaantoodba si diiran loogu soo dhaweeyay, isla markaana ay maayarku meello fagaare ah kala hadashay bulshadii soo dhawaysay.

Sidoo kale maayarka Buuhoodle iyo weftiga la socday ayaa deegaamadii ay soo mareen waxaa warbixino xog ogaalnimo oo la xidhiidha xaaladaha nololeed ee bulshadda ku siinayeen masuuliyiinta iyo odayaasha deegaamadaasi.

Maayar Khadiija Axmed Aadan, oo meel fagaare ah kala hadashay bulshadda deegaanka Dhalaamo-cune u balan qaaday in ay u samayn doonto xarun caafimaad. Iyadoo deegaankaasi uu yahay mid aan lahayn gebi ahaanba wax xarun caafimaad ah nooc kastoo ay tahay ba.

Kaasoo ay bulshadda deegaankaasi dhibaato weyn ku qabaan gaar ahaana hooyadda iyo dhalaanka oo iyagu inta badan daryeel iyo xanaanayn joogto ah u baahan.

Sidoo kale maayarka Buuhoodle ayaa deegaanka Dhalaamo-cune u samaysay xubno ka kooban lix xubnood iyo guddoomiyahoodda oo noqon doona ururka ololaha nadaafadda deegaankaasi. Kuwaasoo todobaad kastaba maalin fulin doona olole nadaafadeed, isla markaana lagala xisaabtami doono.

Waxa kaloo ay maayarku u balan qaaday dadweynaha deegaankaasi in ay dhisme dugsi oo ka kooban afar qol ku kordhin doonaan iskuulka deegaanka Dhalaamo-cune.

Maayarka oo ka warbixinaysay u jeedadda kormeerkeedda waxay tidhi, “Waxaanu maanta (shay) u kuur gelaynay, baahiyaha deegaanka ka jira. Baahiyaha deegaankani ka jiraa, way faro badan yihiin, mar ba ta u saraysa ayaanu wax ka qabanaynaa.

Deegaankani wuxuu aad ugu jilicsan yahay goob caafimaad. Iyadoo ay jirto in Hooyadda iyo Dhallaanka mar kastaba ay dhibaato ka soo gaadho, oo goob caafimaad ma leh, in aan u balan qaadi doono goob caafimaad in aanu u samayno.

Iyadoo sidoo kale iskuulku uu yar yahay, oo ay carruurtii sideed fasal… afar fasal oo keliya u dhisan tahay, oo afar kale ay ka maqan tahay, in aanu ugu dari doono afar fasal oo kale. Iyadoo aysan lahayn meel amniga ah, oo aanu meeshii amnigana u samayn doono.

Insha ALLAAHU waxaanu rejaynaynaa degmadani in aanu waxqabad, meel kastoo, wasaarad kasta oo wax idinkaga jiraan, aanu deegaan u dooni doono. Oo insha ALLAAH, haddii ALLE SWT nala qabto aanu dabooli doono”.

Geesta kale waxaa maayarka iyo weftigiisa deegaamadaasi warbixino la xidhiidha xaaladaha nololeed iyo duruufaha ku gedaaman ee la’aanta goobaha bixinta addeegyadda dadweynaha ku siiyay.

Mid ka mid ah macalimiinta dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Dhalaamo-cune, ayaa halkaasi maayarka ku siiyay warbixin la xidhiidha dhinaca waxbarashadda ee deegaankaasi.

Waxaanu yidhi, “Waxay noqotay in aanu anagu ka macalimiin ahaan, is xil qaanay, oo aanu dugsi waxbarasho oo laba qol ka kooban dhisanay. Anagoo labadii qol dhisayna ayay haayad soconaysaa noo timid, oo Care la yidhaahdo. Taasaa waxay noogu dartay laba qol”.

Dhinaca kale haweenay ka mida ah kal-kaalisooyinka caafimaadka ee ka hawl galla MCH-ka Dhalaamo-cune, ayaa maayarka iyo weftigiisa warbixin ka siisay xaaladda caafimaadka ee deegaankaasi iyo caqabadaha haysta.

“Ma lihi qol aan dumarka kaga umuliyo. Halkaas ayaan ka Lugeeyaa, oo laba saacadood ama saddex saacadood wax ku dhaw baan Lugeeyaa. Habeen-badhka ayaa gurigayga la iga toosiyaa, oo la igu yidhaahdaa, kaalay mid baa Dhiig-baxaysa ama Umushay, ama Mandheertii ku go’daye, kaalay soo gaadh.

Waxaanu doonaynaa, in wixii awood ah, ee na loo qaban karro, in na loo qabto. Haddii ALLE SWT qadaro” ayay tidhi haweenay ka mid ah bahda caafimaadka ee deegaanka Dhalaamo-cune.

Leave a Reply