350 Arday oo ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Alpha Burco

0
425

Burco (Dawan)  Saddex boqol iyo konton arday ayaa oo ka aflaxay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Alpha,ayaa ka qalin jebiyay Jaamacadda Alpha faraceda Burco.

Munaasibad si wayn loosoo qgaasimay oo ka qabsoontay Hotel Kaafi ee magaalada Burco oo ay ka soo qayb galeen,xubno ka mid ah golaha wasiirada,asxaabta qaranka siyaasiyiin,waalidiin madaxdajaamacadda Alpha Hargeysa iyo Burco,waalidiin ardayda jaamacadda,maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco,ayaa ardayda qalin jebisay loogu fooladeeyay isla markaana dardaaran kala duwan  loogu jeediyay ardayda aflaxday.

Guddoomiyaha Jaamacada Alpha faraceeda Burco Cabdiqani Ibraahim Xasan oo ugu horrayn ka hadlay munaasibadda qalin jebinta ayaa yidhi.“Jaamacada Alpha faraceeda Burco waxaa aanu aasaasnay 2015-kii waxaa aanu ku bilownay laba fasal iyo hal Kambas, haddana waxa ay ka kooban tahay 11 kuuliyadood oo kala duwan, jaamacadu waxaa wax ka barta arday kor u dhaafaysa kun arday.

Magaalooyinka Caynabo, Oodweyne iyo Sheekh waxaa ay ka furatay xarumo waa weyn, xarumahaasi oo dhammaan adeegyadii waxbarasho ay u dhammeystiran yihiin.

Waxaa maanta halkan ka qalinjabiya dufcadii shanaad oo ka kooban saddex boqol iyo konton arday, 47% waa rag 53% waa hablo, waa sided kuuliyadood, dhammaan ardaydu waxaa ay buuxiyeen dhammaanba shuruudihii qalinjabinta”

Guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Alpha Pro. Oo munaasibadda qalin jebinta hadal ka jeediyay,ayaa yidhi.Maxamed Xasan Sheekh Muumin “Waxaan halkan ka caddaynayaa in ardayda hortayda soo fadhida inay buuxiyeen dhammaanba shuruudihii Qalinjabinta, ee shahaadada heerka koobaad ee Jaamada, saacada laga bilaabana ay yihiin, aqoon  yahan Jamhuuriyadda Somaliland u soo baxay, shahaadadooduna ay tahay mid saxa oo dhammeystiran”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo farriin u diray ardayda qalin jebiyay,ayaa yidhi.“ILLAAHEY kuwa dalkooda iyo dadkoodaba anfaca haydinka dhigo, macalimiintii iyo waalidkii ku soo tacabtayna ILLAAHEY miisaanka xasanaadka hawgu daro, haddii ay Burco ay midowday Somaliland-na waa ay midowday,”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Cabdixakiin Siciid Bustaale oo ka hadlay xaflada ayaa yidhi.“Waxaan u hanbalyaynayaa dhammaanba ardayda maanta ka qalinjabiyay jaamacada, ee dhammeystay geediga hayaankooda waxbarasho, waxaan ugu hanbalyaynayaa hankooda iyo hamigooda waxbarasho, waxaan leeyahay shacabka aynu u tudhno”

Duqa degmada Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi, oo bogaadiyay ardayda iyo Jaamacadda,ayaa yidhi. “Jaamacada waan u mahad celinayaa, Alpha waa Jaamacad wanaagsan, horumarinta degmada Burco ayay qayb weyn ka qaadatay, dadka tuulooyinka ayay adeeg bixin caafimaad u sameyn jireen”

Leave a Reply