Somaliland iyo Ethopia oo Xoojinaaya Xidhiidhkooda Waxbarasho

0
532

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somalilandl Mudane.Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)  ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda dalka Ethopia gaar ahaan  Jaamacadda farsamada Gacanta ee Wadankaasi Itoobiya (Ethiopia Technical University).

Weftigaa oo Ka koobnaa sideed xubnood oo isugu jiray Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ee Amuuraha Academiga iyo Guddoomiye ku xigeenka jaamacada ee Cilmi-baadhista iyo Adeega Bulshada Research and community service-ka iyo Hormuudada Saddex kulliyadood oo Ka tirsan Jamacadda Farsamada Gacanta iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha Aqoonta Farsamada Gacanta.

Xubnaha Weftigan ayaa wasiirka uga waramay sida ay u danaynayaan iskaashiga waxbarasho ee ka dhexeeya labada dal iyo Muhiimada uu daaranaa socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland, iyaga oo ka mahadnaqay sida fiican ee loo qaabilay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Mudane.Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa isna dhinaciisa  uga Waramay weftiga ahmiyadda xukuumadda Somaliland iyo wasaarada waxbarashadu ay siinayaan aqoonta iyo xirfadaha farsamada Gacanta, isaga oo ku dheeraaday in goobaha Waxbarashada farsamada gacantu ay kasoo kabteen burburkii soo gaadhay islamarkaana maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kobcayaan, waxaana wasiirka iyo xubnaha weftigu ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka waxbarasho ee dhinaca farsamada Gacanta ee ka dhexeeya Jamacada farsamada gacanta,Wasaaradda Waxbarashada dalka Ethopia iyo wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo sidoo kale kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarka macalimiinta farsamada gacanta,iyaga oo sidoo kalena ka wada hadlay Sidii jamacada farsamada gacanta ee ethopia qayb kamid ah looga furi lahaa hargeysa, iyadoo lala kaashanayo koomishanka tacliinta sare ee Somaliland .

Leave a Reply