“Waxanu kala Shaqaynaynaa la Dagaallanka Xagjirnimada“ Danjire Stuart Brown

0
455

Hargeysa-(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa kulan la qaatay Wakiilka Dawladda Ingiriiska ee Somaliland Mr, Stuart Brown.

Kulanka labada Masuul ayaa lagaga wada hadlay arrimaha Xuquuqda aadamaha iyo la dagaallanka xagjirnimada.

Danjire Brown ayaa sheegay in wasiirka uu kala hadlay  ilaalinta xuquuqda haweenka, carruurta, la dagaallanka xagjirnimada noocyadeeda kala duwan, iyo in kor loo qaado nabad ku wada noolaanshaha umadda Somaliland iyo waddamada deriska ah .

Wakiilka dawladda Ingiriiska ee Somaliland ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka.

“Waxa aan ku faraxsannahay in aan la kulmay wasiirka cusub ee arrimaha diinta, si dhowna uga wada shaqayno mustaqbalka danaha aannu wadaagno, sida ilaalinta xuquuqda haweenka, carruurta, la dagaallanka xagjirnimada noocyadeeda oo dhan, iyo in kor loo qaado nabad ku wada noolaanshaha”

 

Leave a Reply