Hooyo iyo Laba Hablood oo ay Dhashay oo Mar ka wada Qalim Jebiyay Jaamacadda Alpha Burco

0
399

“Duruufta qoyskaygu iimay wada saamaxayn in aan iska wada bixino lacagta Jaamacadda hal qof ayaa la naga daayay.”

Burco (Dawan):- Hooyo ka mid ah bacda caafimaadka Somaliland gaar ahaan shaqaalaha wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer iyo laba hablood oo ay dhashay,ayaa ka wada qalin jebiyay Jaamacadda Alpha faraceeda Burco.

Hooyo Drs oo ka hadlaysay dareenkeeda iyo waxay uga dhigan tahay in ay iyada iyo labadeeda hablood ay wada qalin jebiyaan ayaa faah faahisay sida aqoonta loogu baahan yahay ee aan looga gaboobin isla markaana ay waajibka u tahay in xilli kasta la sii wato waxbarashada.

Waxay usoo jeedisay hooyooyinka waxbarashada meel dhexe kaga tegay in ay waxbarashada sii wataan oo ay iyaga iyo ubadlkoodu wax wada baran karaan isla markaana loo baahan yahay in ay jaaniska ka faa,iidaystaan.

Waxaa kale oo ay  mahad naqday guddoomiyaha jaamacadda Apha faraceeca Burco Cabdiqani Ibraahin Xasan oo ay sheegtay in duruufta qoyskooda oo awoodi wayday in ay iyada iyo labadeeda hablood ba in ay lacagta Jaamacada in ay iska bixiyaan uu u suura geliyay in uu hal arday ka dhaafo lacagta Jaamacadda.

Dhinaca kale labadeeda hablood ee mar la wada qalin jebiyay hooyadood ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay dareenkooda.

Drs Saynab Saleebaan Gaas oo ugu horrayn dareenkeeda ka hadlayasa ayaa tidhi. “Aad iyo aad ayaan u faraxsannahay, waxaa aan ka baxay fakalka Kal-kaaliso caafimaad, (Nursing) hablahayguna waxaa ay ka baxeen nafaqeynta Neutration,  aad iyo aad ayaan jaamacada ugu hambalyaynayaa, jaamacadu waa ta koobaad ee gobolka Togdheer ugu sarraysa, waa Jaamacad dadka si tabaruucad ah wax ugu dhigta, guddoomiye wanaagsan oo aan dadka kala soocin ayaa maamula, qof walbana siiya aqoon gaar ah.

Anigu waxaan ahay shaqaale dawladdeed waxaan ka shaqeeya wasaaradda horumarinta caafimaadka gaar ahaan xarunta hooyada iyo dhallaanka ee gobolka Togdheer, waxaan ahay hooyo aad iyo aad waxbarashada u jecel, qorshaheeduna yahay in aan heer sare ka gaadho illaa Master, waxaa aan imtixaanaadka gelayay anigoo jaban oo nuuradi igu xidhan tahay, aad iyo aad ayaan ugu hanbalyaynayaa ardayda”

Drs Saynab,ayaa dhanka kale labadeeda hablood dardaaran u jeediyay una soo gudbisay waano waalidnimo oo ay u gunuday labadeeda hablood ee ay isku mar wada qalin jebiyeen.“Waxaa aanu maanta Jaamacadan kawada Qalinjabinay Sahra Axmed Aadan oo inantayda curad ah, Nimco Axmed Aadan oo ilmihii afraad ah.

Waxaan leeyahay soo barbaara, in aanay ka fikirin jaamacadii waydinka dhammeeye xagge ayaydun shaqo u doonan, in bulshadooda ay ugu adeegaan oo si tuburucaad ah wax ugu qabtaan, si ay noloshooda iyo ta gurigoodaba guul uga gaadhaan”

Mar ay ka hadlaysay duruurtta qoyskeeda iyo siday wax ku barteen ayay tidhi.“Markii hore waanu iska bixin jirnay, markii danbe hal inan ayaa la iga daayay, mushaharkayga bilna xaafada ayaan masruuf uga dhigi jiray bilna annaga ayaa Jaamacada iskaga bixin jirnay, aabahood waa bilaa camal, waana dhakhtar xoolaad oo imika wax shaqo ah ma hayo, marka waxaan leeyahay hooyooyinka guryaha fadhiya carruurta wax ha bareen”

Waxaa kale oo ay farriin u dirta wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka waxaanay tidhi.“Anigu waxaan ku shaqeyn jiray darajada C, laba jeer ayaan jaamacada ka qalinjabiyay, oo marna aan qaatay Diplom marna aan Digree, wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland, mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi waxaan ka rajaynayaa in uu darajo kordhin ii sameeyo oo waliba A iga dhigo darajada aan ku shaqeeyo ee C-da ah”

Nimco Axmed Aadanoo ah labada hablood ee hooyoadood la qalin jebiyay ta yar,ayaa tidhi. “Maanta waa maalin iiga duwan maalmaha kale, fakalkaygu waa Neutration, maanta waxa ii farxad ah aniga iyo Hooyaday iyo walaashayda curad.

Dhammaanba ardayda aanu halkan ka wada baxnayna waan hanbalyaynayaa, iyo macalimiintii wax I soo baray waalidkayba”

Sahra Axmed Aadan oo ah curadda Drs Saynab oo Iyana la qalin jebisay hooyadeed iyo walaasheed oo dareenkeeda ka hadlaysa,ayaa tidhi.

“Fakalkaygu waa Neutration, waxa aan aad ugu mahad celinaya ILLAAHEY, maamulka jaamacada, waalidkay hooyaday iyo aabahay, aniga maanta waxaa ila qalinjabinaya hooyaday iyo walaashay, waxaan ku dhiirigelinaya ardaydu in  mar walba ay wax bartaan”

Leave a Reply