Barca iyo Arsenal Kooxdee ayuu Conte Doordidayaa inuu Tabobaro?

0
450

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in tababare Conte uu doonayo in uu qaato sanad nasasho ah ka hor intii aanu qaban wax koox ah.

Macalinkan hore Inter Milan ayaa shaqo la`aan ah tan iyo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore

Macalinkaan dhowr koox ayaa lala xariirinayaa sedexdii bil ee la soo dhaafay waxaana ku jira Arsenal iyo Barcelona oo dhawaan ku soo biirtay.

Si kastaba ha ahaatee, wariyaha reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa laga soo xiganayaa in macalin Conte aanu si fog ugu fikireyn inuu shaq qabto xilli ciyaareedkan

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli mustqabalka macalinka Barca ee Koeman uu mugdi sii galayo ka dib kulankii habeen hore ee Cadez ee barbar dhaca bilaa goolasha ku dhamaaday

Macalinkan ayaa diidan xataa in kooxda uu ku hago hanaan ciyaareedkii Tika Taka ee ay kooxdaas caanka ku aheyd taasi oo ka cadheysiiyay maamulka.

Dhinaca kale , Arteta oo isna cadaadis uu saaran yahay marka laga yimaado guulihii is xigay ee dhawaan uu gaadhay haddana macalinkan ayaa shaqadiisa lala xadhiidhiyay.

Leave a Reply