Yaa Liverpool ka Hor Istaagay in Xagaagii ay Real kala soo Wareegaan Assensio?

0
354

Wakiilka Marco Assensio ayaa shaaca ka qaaday in laacibkaas uu xagaagii uu aad ugu dhawaa in uu ka huleelo Real Madrid.

Laacibkaas 25 sano jirka ah ayay ku adkaatay in heer ciyaareed wacan uu ku soo muuqdo ka dib dhaawac jilibka ah oo sameeyay xilli ciyaareedkiisa 2019/2020-ka.

Kooxo kala duwan ayaa qadkaas dhexe weerar doonayay xilli Liverpool ay aheyd kooxda sida dhabta ah u dooneysay in laacibkaas keenaan PL waliba wadahadallo wax ku ool ah kula jirtay.

Laacibkaas ayaa sedex jeer shabaqa soo taabtay kulnkii Real ee Malloraca ee ku dhamaaday 6/1.

Wakiilkan lagu magacaabo Gaggioli ayaa xaqiijiyay in ay jireen wada-hadallo uu laacibka kaga tagi lahaa xagaagii Real balse macalin Ancellotti uu ku qanciyay laacibka in uu sii joogo kooxda.
“Gudaha Spain ama banaanka ayuu tagi lahaa, waa naga go’neyd balse Ancelotti ayaa wax walba bedalay” ayuu sii raaciyay Gaggioli

Asssensio ayaa Real u dhaliyay 40 gool halka 22 kale uu caawiye ka ahaa ka dib 199 kulan ee uu saftay kooxdaas ka dhisan Madrid.

Leave a Reply