Maanso Dabahuwan Hadraawi Qormadeena dhaqanka iyo suugaanta ee todobaadkan waxaan ku soo qaadan doonaa maansada Dabahuwan ee uu curiyay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi. Maansada dabahuwan ayaa ah mid ka mid ah maansooyinka ugu qaalisan isla markaana ugu xeesha dheer ee uu curiyay Abwaan Hadraawi.

0
9066

Waxaanu ku bilaabay sidan.

 

  1. markay dani meeday tidhi
  2. maxaan talo meel ka deyey
  3. markaay dani maaha tidhi
  4. weydiiyey qof meel ka deyey
  5. markay dani maaha tidhi
  6. ku laabtay halkaan ka deyey
  7. markay dani maaha tidhi
  8. ka sii deyey meel la deyey
  9. Maxay doqoniiino tidhi

 

  1. ruuxaan jirin raad ku doon
  2. intaan isku duubay been
  3. ka buuxsaday labada dacal

13 maxay runi daadi tidhi

  1. maxaaan arrin dawlis dheer
  2. ma diidoo la soo qoqoray
  3. ku daabacan baal madow
  4. ku daawaday meel madow
  5. wax aan duluc sii ridnayn
  6. indhuhu ku daraandareen

 

  1. Maxaan dogob beer is idhi
  2. daruuro u soo sasabay
  3. daryeelka ku maal is idhi
  4. biyuhu uga sii dareen
  5. Wax aan degdeg jeer ku liqay
  6. maxay shishe ii damqeen
  7. kashayda dalooshadeen
  8. muxuu hadba shay dellegan
  9. dareensigu soo tuf yidhi
  10. Ummuuraha duur xulka ah

 

  1. duunkayga maxaan qodqoday
  2. weydiiyey su’aal da’weyn
  3. dibnuhu iga aamuseen
  4. Dal xiiska maxaan bilqaday
  5. maxaan farax deeddankii
  6. maxaan sida daad jirfaday
  7. maxaan hadba daaf qulqulay
  8. maxaan hadba deex susumay
  9. maxaan deli jeer ka dhacay
  10. maxay jarar soo dedelan

 

  1. doolaaladu fuul i tidhi
  2. dushooda markaan u baxay
  3. ha soo degin laygu yidhi
  4. Maxaan dihin weel la galay
  5. ku dayga maxaan ummuur
  6. daboolka ka qaad is idhi
  7. cabsidu iska daa i tidhi
  8. indhuhu dib u soo noqdeen
  9. Maxaan dhilay doog lingaxan
  10. hal daahan maxaan furfuray

 

  1. inaan dib u sii xidhxidho
  2. garaadku ku daalay yidhi
  3. Maxaan dardaraa habeen
  4. anoo daba jooga raad
  5. dedaalku i soo xidhxidhay
  6. dakaanka anoo jiljilan
  7. muxuu dayax soo mirkacay
  8. degaan kale ii furfuray
  9. dayaan igu soo gilgilay
  10. Maxaan qoday doox sal weyn

 

  1. maxaan helay deeq mug weyn
  2. wax uu dad jeclaan lahaa
  3. u waayey wax soo daldala
  4. Wakhtigu boqol doocsanaa
  5. dersuu kugu beerayaa
  6. durduur kugu siinayaa
  7. dardaaran adoo qabuu
  8. dagaal kugu beerayaa
  9. dil buu kugu oogayaa
  10. markaad deldelaad gashuu

 

  1. haddana kugu diidayaa
  2. dorraato wuxuu ka yidhi
  3. intuu ku diruu haddana
  4. dabbaal kugu sheegayaa
  5. Rugaha dunidaa busho ah
  6. indhaha deyayaa xujo ah
  7. docaa laga eegayaaa
  8. deymaa lagu eegayaa

78 danaa laga eegayaa

  1. u daana cid baa taqaan

 

  1. ka daana cid baa taqaan
  2. ta doora Rabbaa yaqaan
  3. ka dooro adaa yaqaan
  4. dildilo rogan baad tihiin
  5. sidaad isu doorisaan
  6. ayaad isu doorataan

86 markay dihatay dhul tahay

87 markay dihatay dhir tahay

88 markay duhur tiigsi tahay

  1. ayay dalandool caddahay

 

  1. duf bay ku sarbeeban tahay
  2. dabay ku aleelan tahay
  3. lafiba diirkeed qodnayd
  4. Dal iyo magac bay lahayd
  5. dad iyo mudan bay lahayd
  6. duunyiyo mahad bay lahayd
  7. diin iyo dhaqan bay lahayd
  8. duug iyo dhaxal bay lahayd
  9. dan iyo tacab lahayd
  10. dedaal xejiyey lahayd

 

  1. xadhkiyo dabar bay lahayd
  2. aqoon durugtay lahayd
  3. xil daacada bay lahayd
  4. duleed jiratay lahayd

104 duggaal hanatay lahayd

105 daw iyo marin bay lahayd

  1. dareer taxan bay lahayd
  2. dardaaran cad bay lahayd
  3. dabool adag bay lahayd
  4. digtooni horey lahayd

 

  1. dabaylo hadday ruxaan
  2. durbaan weriyey lahayd
  3. awaal deyis bay lahayd
  4. dawiyo kabashay lahayd
  5. xidhiidh degsan bay lahayd
  6. dagaag sharafay lahayd
  7. duciyo nabad bay lahayd
  8. caqiibo danbay lahayd
  9. han iyo dugsashay lahayd
  10. deeq iyo hirashay lahayd

 

  1. duddiyo gacal bay lahayd
  2. dareen xidid bay lahayd
  3. xormiyo deris bay lahayd

123.dul iyo magan bay lahayd

  1. xishood dedan bay lahayd

125.dux iyo soddoh bay lahayd

  1. dumaashi dhan bay lahayd
  2. dad kala guran bay lahayd
  3. rag iyo dumar bay lahayd
  4. nin door taliyey lahayd

 

  1. marwiyo degel bay lahayd
  2. duq iyo garashay lahayd
  3. haween darbban bay lahayd
  4. barbaar diran bay lahayd
  5. habliyo dardaray lahayd
  6. halyey diriray lahayd
  7. darmaan boqran bay lahayd
  8. duud iyo oday bay lahayd
  9. da’ weyn iyo da’ dhexay lahayd
  10. da’aad yaryar bay lahayd

 

  1. is daadihin bay lahayd
  2. deryaale cad bay lahayd
  3. dalaandaliyey lahayd
  4. horweyn dalmaray lahayd
  5. irmaan dararey lahayd
  6. hal iyo dalawey lahayd
  7. wan dool culus bay lahayd
  8. sal iyo daab bay lahayd
  9. dallaayad saray lahayd
  10. shishiiyo duluc bay lahayd
  11. wixii dumey bay lahayd

 

  1. Iskuuladu waa dayeyn
  2. dammiinnimaday dhigaan
  3. dartay uma soo lug go’in
  4. duruustu falkay tiqiin
  5. daktoor cadoway sideen
  6. digrii nacabey sideen
  7. xaq bay garba duubayeen
  8. Diintay gibil saarayeen
  9. waxay dedayeen amuur

 

  1. dhibteedu dib iigu tiil
  2. waxay docfaruurayeen
  3. dedaal abid soo taxnaa
  4. Xafiisyadu waa dullayn
  5. dulmay ka horseed yihiin
  6. dikteetarraday dhalaan
  7. direyska wedkay tolaan
  8. dardaaran shishay qabeen
  9. dalkay shil u loogayeen
  10. dadkay u shidhaynayeen

 

  1. dardaar werin meel u tiil
  2. nin bay u danaynayeen
  3. dugaagnimaday dhalaan
  4. indhaha dannigay dhalaan
  5. intii daran bay dhalaan
  6. xadhkaha doqonkay tidcaan
  7. naftay damac raaciyaan
  8. wax bay daba qaadayaan
  9. qofkii biyo diid yaqaan
  10. darleefyey ninkay baraan

 

  1. sagaashan dabeecadood
  2. hadday kol ku soo degaan
  3. diihaal iyo saar gumeed
  4. ma aamino deeq ka weyn
  5. inay laba duul dhintaan
  6. Dukaamadu waa nuxuus
  7. sun iyo dacar bay hayaan
  8. daraandariyey hayaan
  9. dareen xagatay hayaan
  10. dalaaqda Tusmay hayaan

 

  1. waxay demesh soo rogeen
  2. waxay diric raarayaan
  3. durraaxad u heesayaan
  4. waxa lagu doonayaa
  5. wax aanan u daafad hayn
  6. waxaan diro lay carree
  7. wax soo degay lay cusbee
  8. ka dooro intaan lahaa
  9. ka sii dar intaan lahaa
  10. ku sii dil ayuu lahaa

 

  1. ninkii digashada badnaa
  2. Daaruhu tayo waa ka gaal
  3. dulmay taran leeyihiin
  4. bar duunyo ah waa ka caydh
  5. waxay ku dul nool yihiin
  6. nin daaqsada xoolo nool
  7. dubbaha fakhrigay tumaan
  8. waxay derbi jiifiyeen
  9. barbaarkiyo doobka nool
  10. carwada dibjirkay dhalaan

 

  1. hadday kugu soo durkaan
  2. ducaa laga hoos galaa
  3. maxay damal weyn shiteen
  4. maxay qudhac deebiyeen
  5. waxay dab sudheen dhirtii
  6. dhulkay midab dooriyeen
  7. bal eeg degelkii hufnaa
  8. bir iyo waxa daasad yaal
  9. bal eega dalkii xalaa
  10. waxay lafo daadiyeen

 

 

  1. Shil baa dunidii ka dhacay
  2. daacuun halisaa ku fiday
  3. duufaan simay baa la tegay
  4. doofaarrada aan gudnayn
  5. diinlaawaha gaalku dhalay
  6. maxay dulin faafiyeen
  7. maxay samo duudsiyeen
  8. maxay godob daaqsadeen
  9. maxay denbi xoogsadeen
  10. maxay dabar soo xardheen

 

  1. maxay dabin soo shaqleen
  2. danbeed maran soo asleen
  3. Waxay dumiyeen aqoon
  4. ilaa dura soo taxnayd
  5. waxay damiyeen ilays
  6. u daaran qof meel lahaa
  7. waxay kala daadiyeen
  8. daryeel isu dheelli tiran
  9. naf daahira bay legdeen
  10. docdeeda xun dhiiriyeen

 

  1. dan bay canlabeebiyeen
  2. dawgeedu xidhiidhsanaa
  3. waxay iga soo duween
  4. jidkaan isku daawan jiray
  5. waxay dibad yaaliyeen
  6. nin tiisa u door ahaa
  7. in loo dawaray rabeen
  8. da’diisa nimaan baryeen
  9. waxay ka dhigeen dadkii
  10. af iyo labadiisa daan

 

  1. duugii ubadkay cuneen
  2. wixii jiray bay dubteen
  3. dusuud madhan bay dhigeen
  4. halkii beri doobi yiil
  5. waxay danbas tuumiyeen
  6. rugtii digo loo yiqiin
  7. duxdii noloshay tireen
  8. waxay debciyeen naftii
  9. waxay dacwadheen hankii
  10. waxay isku soo dareen

 

  1. dadkii kala caagganaa
  2. intii gabadh diib lahayd
  3. daf iyo kaman baa la tegay
  4. dhulkii darrimaha lahaa
  5. deegaantiyo baadku yiil
  6. dabaylo cas baa ka kacay
  7. dorraatiyo guulihii
  8. dallaallimadii dhisnayd
  9. wixii dalag meersanaa
  10. daaduun qaxay baa ka dhacay

 

  1. wixii duluglaa ka nool
  2. dibnuhu dhubbad qaadayeen
  3. Dagaalku sal buu lahaa
  4. daad soo jabay baan intaas
  5. gacmaha ku dabbaal lahaa
  6. anigu dirir maan hanbayn
  7. doodayduna may hinnayn
  8. hub baa lagu diidanaa
  9. waxay igu soo dabreen
  10. halkay ila doonayeen

 

  1. aniyo debad baanu nahay
  2. cidlaan dildillaamayaa
  3. daleel madhan baan tubnahay
  4. sas iyo dala’asaan qabaa
  5. dareen dhidar baan gashaday
  6. dugaag falan baan qorrahay
  7. daaraantuna way fogtahay
  8. duullaankuna waa sidii
  9. Haddaad liqday daacadii
  10. adaa damacow yaqaan

 

  1. sidaad uga dayn baxdee
  2. ku sii dar tu kaa daran
  3. Cilmigan dib u heego dhaca
  4. cilmigan dul ka xaadiska ah
  5. cilmigan sam dawdarka ah
  6. caqligu ka daboolanyahay
  7. bukaankiyo daafka qaba
  8. gumaysigu diin u yahay
  9. Ilaah lagu diidan yahay

 

  1. Islaam la dagaalka ah
  2. Danaysigu weel u yahay
  3. dirsoocu u aabe yahay
  4. daandaansigu guul u yahay
  5. dabkiyo wada hawsarka ah
  6. dilkiyo wada dhiig cabka ah
  7. duullaankiyo boobka jecel
  8. cilmigan dalandoolka badan
  9. Damiirku ka meydka yahay
  10. khaansiirkiyo duufka cuna

 

  1. dillaalkiyo tuugga dhala
  2. daydaygiyo jeelka qaba
  3. wanaaggu ka dayro yahay
  4. xumaantu u doorantahay
  5. dadkiyo simay xoolihii
  6. raggiyo dumarkii furfuray
  7. intuu dumarkii is baday
  8. raggii dumar qaar ka dhigay
  9. af-duubkiyo qoolka taxan
  10. Run baa lagu daahayaa

 

  1. Dijaal korayaa qaarsoon
  2. Dalaal iyo been madow
  3. ninkii run ku doonayow
  4. abuurtu dumaal miyaa
  5. ma duur iska beermay baa
  6. ma baadi dibbootey baa
  7. dabaylo xagaa miyaa
  8. ma doonni hallawsan baa
  9. dusheedu ma goob jin baa
  10. durbbaan iyo jaas miyaa

 

  1. dawliil iyo quus miyaa
  2. ma buur lagu daalayaa
  3. ma boog damaqdaa wadnaha
  4. ma doonis calool bugtaa
  5. nin tiisu u diirantahay
  6. ma suu u dullaynayaa
  7. ma shay laga daawadaa
  8. garaadka nin daymo dhow
  9. ma Daarwin siduu yidhaa
  10. daayeer nin ka soo farcamay

 

  1. ma suu u dareemayaa
  2. miyaanay dastuur lahayn
  3. kitaab iyo diin lahayn
  4. miyaan laga sii danbayn
  5. sidii daraygii miyaa
  6. midhii daraygii miyaa
  7. duudduub ku liq yaa ku yidhi
  8. Nin diidey inaad run tahay
  9. ku dooday inaanad jirin
  10. Rabbow dunidaada bilan
  11. dunteeda ma sheegi karo

 

 

  1. Daayeerka waxaa ka yimi
  2. waxaan dad habboon ahayn
  3. innagu dir kalaynu nahay
  4. duudkii Nebigaynu nahay
  5. deeqdii Rabbi baynu nahay
  6. xil iyo derejaynu nahay
  7. dar loo buriyaynu nahay
  8. ka sii daray baynu nahay
  9. Ilaah ka durkaynu nahay

 

  1. Islaam dilan baynu nahay
  2. dugaag u dhacaynu nahay
  3. ka daatay muskaynu nahay
  4. Ibleys didsadaynu nahay
  5. doofaarada aan gudnayn
  6. u doortay runtaynu nahay
  7. xaqay garbba duubayaan
  8. ku diirsanayaynu nahay
  9. diin laawaha gaalku dhalay
  10. ku dayday ayaynu nahay

 

  1. dayeysan ayaynu nahay
  2. Sidee duni loogu lumay
  3. maxaa dad ku soo lug go’ay
  4. maxaa ku hungoobey duul
  5. diihaal kula soo dhex dhacay
  6. maxay duluc guud martaa
  7. maxay dersi yeedhisaa
  8. maxay nin u deexataa
  9. Iadnaan ugu duur xushaa
  10. hadhow xagal daacisaa

 

  1. maxaa degdeg wiil ku yimi
  2. dusheeda ku foos burburay
  3. jid uu nin ku daaqay ciin
  4. maxay dabadiis dhigtaa
  5. nin aan ka danbbayn karayn
  6. maxay doqon loogataa
  7. maxay laqan dooxataa
  8. maxay danab liicisaa
  9. maxay dabar liilisaa
  10. maxay dildillaacisaa

 

  1. ammuur kuu dabool lahayd
  2. maxay digdig soo xidhaa
  3. maxay sado daadisaa
  4. maxay amar duulisaa
  5. maxay dardar loodisaa
  6. maxay diric quusisaa
  7. maxay kibir daalisaa
  8. maxay damac beenisaa
  9. maxay nin dabbaal yaqaan
  10. dalluun ku waraabisaa

 

  1. maxay daldaloolisaa
  2. deeqdeeda hadhuub lahaa
  3. maxay lur u sii dirtaa
  4. ku sii dar ninkii yaqaan
  5. maxay dab ku sii shiddaa
  6. ninkaanay daweyn karayn
  7. Adduunyadu waa daryeel
  8. daryeelka wixii ku nool
  9. dad bay magantiisa tahay
  10. dardaaran cad baa ka yaal

 

  1. daymiyo garashay rabtaa
  2. hog loo dayo bay rabtaa
  3. Runteeda qofkii duwaa
  4. xaquu kaga dayro yahay
  5. dawgeeda haddaan la marin
  6. daliil rabbi looga dhigin
  7. deynkeeda waxaad guddaa
  8. mar aanad u daafad hayn
  9. ninkii dabinkeeda gala
  10. dib bay u xusuusisaa

 

  1. digniino horoo badnaa
  2. Abuurtu dahaysanaa
  3. sir iyo duluc raaranaa
  4. daabkeedu aroorsanaa
  5. degaandeg ballaadhanaa
  6. dawgeedu aloosanaa
  7. rugaanrugo durugsanaa
  8. muggeedu daruuranaa
  9. dijaallada soo if baxay
  10. weelkay darayaan yaraa

 

  1. damiinka waxaa ka dhigay
  2. amuurahan daalka badan
  3. siday u dul cararayaan
  4. kashii demman bay legdaan
  5. siday wax u duufsadaan

435 daliil uma si hayaan

  1. Hubkooda dayaanka dheer
  2. markay darandoorriyaan
  3. cid bay ku dullaynayaan
  4. cabsay dad ku beerayaan

 

  1. korkeena inay degaan
  2. dusheenna ka soo hadlaan
  3. waxay ugu duur xulaan
  4. kasheenna inay darbaan
  5. hankeenna inay dilaan
  6. jidkeenna inay duwaan

446 dawaafka is dhaafayaa

447 duullaanka cirkee socdaa

  1. dedaal iyo maaha guul
  2. daryeel kuma baadhayaan

 

  1. wanaag kuma doonayaan
  2. inay cilmi daalacshaan
  3. aqoonta ku sii durkaan
  4. wixii dedan qaawiyaan
  5. dantoodu ka sii gun dheer
  6. rugaa dirir saaranyahay
  7. waxay u docaynayaan
  8. dayaxa u hadhaynayaan
  9. dagaar u cagaynayaan
  10. inay run ku duudsiyaan

 

  1. xaqiiqada daahsudhaan
  2. adduunyada dooriyaan
  3. iyagu u daliil noqdaan
  4. Nin diidey Inaad Run tahay
  5. ku dooday inaanad jirin
  6. Rabbow dunidaada bilan
  7. ammaan kuma daaqi karo
  8. Haddaan Runi diiddanayn
  9. haweeney dumaal ku timi
  10. waxay derejeyn lahayd

 

  1. inay gabadh doonnan
  2. diddii hungurow diddii
  3. kal daaf hagayaay diddii
  4. dhegaade danow diddii
  5. dareenka bukow diddii
  6. adduunyadu maaha dool
  7. dijaallada soo if baxay
  8. haddaanay war deeqa hayn
  9. sidaan u dayaaba waa
  10. docdaan u kacaaba waa

 

  1. dushaydiyo hoostu waa
  2. Daliil iyo waa Yiqiin
  3. Dallaallimadeeda guud
  4. siday u dalaysantahay
  5. siday u degmaysantahay
  6. siday u duggaashantahay
  7. siday u dalleensantahay
  8. siday u dammiin caddahay
  9. siday u dareersantahay
  10. sidaanay u daadsanayn

 

  1. da’deeda la yaabka weyn
  2. siday uga duug la’dahay
  3. siday dalandool u tahay
  4. siday u dekeysantahay
  5. siday u taqaan didmada
  6. siday u dareen la’dahay
  7. siday u daryeelantahay
  8. siday u darbbaysantahay
  9. siday u daraandaraan
  10. siday uga dayriyaan

 

  1. siday laba duul u tahay
  2. siday laba deeq u tahay
  3. siday degel degel u tahay
  4. siday degel qudha u tahay
  5. hal doorba hal doorka kale

505 siduu ula daawa yahay

506 amuurahan laysku dabay

  1. dawaarahan laysa sudhay
  2. sidii deleb loo dhigdgigay
  3. wadaagahan laysu diray
  4. lammaanahan laysku daray

 

  1. hadday is daboolayaan
  2. ilaah dejiyaan maqnayn
  3. Cadceedu dorraad ma dhalan
  4. kulkeeda dawaa ku shuban
  5. if keeda Run baa ku duxan
  6. dayuxu marin buu hayaa
  7. xil loo diray buu hayaa
  8. daw buu ku aroorsanyahay
  9. dilluu ku hoggaansanyahay

 

  1. dooggiyo dhirtu maaha baad
  2. caleen iyo ma aha daaq
  3. kasii duluc dheer intaas
  4. waxaa ku dareersan nuur
  5. Run bay ku dalaysantahay
  6. Wadduur culus baa ku taal
  7. daymaan lagu faaqidayn
  8. dareen akhriyaan la hayn
  9. indhaha damac baa hor yaal
  10. waxaan Dahab meel ka gelin

 

  1. waxaan magac doollar sidan
  2. diinnaar iyo lacag ahayn
  3. yaqiin kama sii dayaan
  4. damiirku hadduu qallalo
  5. hadduu dufan raadis yahay
  6. daliilka hortiisa yaal
  7. waxaa kaga beegan daah
  8. dadkuna badi waa sidaas
  9. dakano gacal bay qabaan
  10. dagaal ramataynoqdeen

 

  1. dabrrayn iyo weerar bay
  2. Runtii kaga duuban tahay
  3. Xaqiiqada daahir ka ah
  4. dulmay kaga hoos jiraan
  5. abuurta ma daawadaan
  6. denbay kala boobayaan
  7. dushooda ma eegayaan
  8. dux bay kaga fooraraan
  9. si bay u dar jiidhayaan
  10. dunuunuc bukay liqeen

 

  1. dalqay wax ku eegayaan
  2. dil bay u hamuumayaan
  3. dibnay la haliilayaan
  4. dedaal ma haleelayaan
  5. daryeel ma hanbbaynayaan
  6. dardaaran ma dhuuxayaan
  7. digniin ma dhabaynayaan
  8. dharaar kama doodayaan
  9. halkay ku dambbaynayaan
  10. dayow kama toosayaan

 

  1. Wax diiddo markay jirtaa
  2. wax doonkuna meel mar yahay
  3. naftana dabar baa xaslada
  4. dibsooduna waa ammaan
  5. digtooni haddaan la hayn
  6. dagnaaniba way jirtaa
  7. dannaani miyuu xunyahay
  8. markaan danan loo maqlayn
  9. xilkii dadnimay rabaan
  10. xuquuq dadnimay rabaan

 

  1. naf daallina bay rabaan
  2. inaan dulmigeedu qaban
  3. dawgii noloshay rabaan
  4. inay shar ku daydayaan
  5. xumaan qof ku daalayaa
  6. wanaag damaciis hayaa
  7. dammiinka halkii ahayd
  8. siday uga soo durkeen
  9. miyay dib u soo noqdeen
  10. siday u duleed baxeen

 

  1. ayay u dabayshadeen
  2. waxay dumiyeen Runtii
  3. waxay u dumeen Runtii
  4. markay dumiyeen Runtii
  5. nin daacad hoggeeda qoday
  6. miyuu ka danbaynayaa
  7. intuu bahalaha dugsado
  8. intuu Dubur hawd ka xulo
  9. ayuu qofku doonayaa
  10. dugaaggu inaanu cunin

 

  1. Naftiisa qofkii dulmiyey
  2. deyrkaaga Rabbow ka baxay
  3. muxuu halis daaqayaa
  4. Addoonku Rabbow ma dayo
  5. deeqdaada intuu hantiyo
  6. duntii maqan buu tebaa
  7. wax uu degdeg kaaga filay
  8. haddaanay ku soo dul quban
  9. cadhuu la dakaamayaa
  10. dibnuhu baryaday karaan

 

  1. daryeel kama mahad ceshaan
  2. jiilaal la darbbaysanyahay
  3. diihaal iyo gaajo kulul
  4. haddii beri roob ka da’o
  5. qof doogey markaas illow
  6. siduu u ducayn yiqiin
  7. xusuusba ka sii durduri
  8. Nin duunyadu mool ku tahay
  9. dadkiisuna maansha yahay
  10. ayaa misna kuugu duda

 

  1. waxaanu u daafad hayn
  2. qofkaad shar u diiddan tahay
  3. u doortay si kahyr ku jiro
  4. ayaa misna kuugu duda
  5. waxaad uga daacad tahay
  6. Sifaadkaa deyr ma xidho
  7. dareenku ma gaadhi karo
  8. garaadku ma duubi karo
  9. dibnuhu ma macnayn karaan
  10. qof doonay inuu dhex galo

 

  1. ku daaley ma dhaafi karo
  2. Dunjiga khalqigaagu yahay
  3. haddii gelin laysu dumo
  4. raggiyo dumar laysu guro
  5. jinkiyo insi laysku daro
  6. hadday ku dedaal galaan
  7. intay dardartoodu tahay
  8. hadday orod dooddiyaan
  9. hadday fadal deeddamaan
  10. muggood daranddoorriyaan

 

  1. haddii badda loo dardaro
  2. dawaad milan looga dhigo
  3. dureemada loo qorqoro
  4. waxay ku danbaynayaan
  5. inay dib u soo gurtaan
  6. Astaamaha dawladnimo
  7. markay derejiyo Run tahay
  8. Adaan cidi kaaga dayan
  9. In daalacan Baad taqaan
  10. intii dedan Baad ogtahay

 

  1. horraysana Waad digtaa
  2. dambaysana Waad sugtaa
  3. intii daran baad kartaa
  4. in doora rabbaad u tahay
  5. dulleynna Adaa ku filan
  6. daryeella Adaa ku faxan
  7. Sidaad damacdaaba fudud
  8. dardaar werintaada guud
  9. Adaa naxariis ku daray
  10. dannina boqor baad ka tahay

 

  1. dayrona Hodan Baad ka Tahay
  2. denbina Dhaafaad u Tahay
  3. dulqaadna Allaad u Tahay
  4. baryana Deeqlaad u Tahay
  5. Adaan talo kaa degdegin
  6. dorraato wax kuu ekaa
  7. Adaan dib u qoomamayn
  8. Adoo isla doonay laba
  9. Adaan midi kaa durkayn
  10. Adaan waxba kaa dibjirin

 

  1. Adaan damac fuushanayn
  2. Adaan waxba daba orddayn
  3. Aday dani kuu dhantahay
  4. Adaan xagal daac lahayn,
  5. wixii hadhay baa dellegan
  6. daalaa dhacu waw astaan
  7. waxaa doqonniino badan
  8. intuu dadba kow ka yahay
  9. waxaan dalab waayi karin
  10. intuu durey hoog ku yahay

 

  1. hadduu dib qallooc yaryahay
  2. naftuu damqayaan is bixin
  3. sidii dudurkaan socdaa
  4. sibaan u durdurinayaa
  5. hortayduna waa derderan
  6. hareeruhu waa deldelan
  7. gaadashuna waa damdaman
  8. aboor iyo waa dundumo
  9. Dhadhaaba xidh baan tognahay
  10. darmaan falan baan sudhnahay

 

  1. dameero jin baan intaa
  2. dib uun ugu guurayaa
  3. shax baan degayaa hog hogan
  4. hog baan ka ilduufayaa
  5. wadaamo dugeed ayaan
  6. darroor ka gufaynayaa
  7. qabyaan ku dul meerayaa
  8. iyadu daldalool ku nool
  9. markaan gudin daab u helo
  10. ayuu dumayaa habeen

 

  1. dab baan dab cunsiinayaa
  2. dab baan ku bakhtiinayaa
  3. ummuur dedan baan haddana
  4. dabool kale saarayaa
  5. bar baan kula doodayaa
  6. Bad aan bado daalin karin
  7. naf baan isla doonayaa
  8. is diiddo dhexdeeda taal
  9. duunkayga baqaa ku jira
  10. dareen cabsiyaygu badan

 

  1. hadduu dacaw meel ka ciyo
  2. didmaan isla boodayaa
  3. malyuun dakhar baan qabaa
  4. doogtooda ma ciidmi karo
  5. waxaan ahay ruux u dagan
  6. cadaawiyo duullan baas
  7. kal dooxani way habtaa
  8. dardaaran haddii la faro
  9. digniintu hadday caddahay
  10. dammiinku ma dhuuxi karo

 

  1. dorraad ma xasuusan karo
  2. waxaan dibindaabyo falay
  3. shalay kama daacad noqon
  4. dantayda wixii ahaa
  5. haddeerra si dawgu yahay
  6. dib baan ka illaawayaa
  7. dad baan ahayoo Rabbow
  8. kolley denbi way ag yaal
  9. hawiyo damac baa i sida
  10. hiyiga falan baa i dira

 

  1. dareenka xun baa i shidan
  2. ta ii daran baan jeclahay
  3. kas baan ahay daymo dhow
  4. kal baan ahay doonis badan
  5. inaan dumey maan ogayn
  6. inaan degey maan arkayn
  7. dermaan Run ku goobayaa
  8. dabaylo ibleys wataan
  9. sidii qori daad la tegey
  10. wed baan dul sabbaynayaa

 

  1. intii dabin ii xidhxidhan
  2. intii belo ii dahsoon
  3. intii dalag loogu dhaco
  4. dalluumaha ii qarsoon
  5. Rabbow debecaaga saar
  6. Miisaanku doc buu jiraa
  7. docdii halistuu jiruu !!!
  8. intaan dawan laysu tumin
  9. dayaanku intuu negyahay
  10. intay belo deyrantahay

 

  1. intay weli duur xul tahay
  2. duulduulka ku kooban tahay
  3. hadday tahay maalin daran
  4. ka sii daran baa jirtee
  5. intay weli doobir tahay
  6. dib iyo noqoshaan rabaa
  7. dan iyo nolol baan rabaa
  8. dawiyo nabad baan rabaa
  9. xill daahira baan rabaa
  10. naftayda inaan u diro

 

  1. wax uu dugsadaan rabaa
  2. hankayga inaan ku dayo
  3. dagaal xaq ah baan rabaa
  4. deeqdaada Inaan ku helo
  5. damiir xalan baan rabaa
  6. deynkaaga inaan ku gudo
  7. Rabbow ifka nooga door
  8. dedaalkana noo rumee
  9. Rabbow danbbe noo ogow
  10. wixii tegey duudsi yeel

 

  1. Rabbow dunidaada weyn
  2. dabaylo fayow ku xeer
  3. intii dulin baas dhex taal
  4. Rabbow digo xaadh ku fiiq
  5. Rabbow magac dawladeed
  6. intaan dugsan layn yiqiin
  7. rabow dumi waa hungee
  8. distuurrada baadilka ah
  9. intaan xaqa daafacayn
  10. ka reeb dambas waab dhex yaal

 

 

  1. Rabbow dalka kaanu nahay
  2. intii degel muumin yaal
  3. wanaag ku dallaallimee
  4. Islaamka kusoo dabbaal
  5. waxay ku dulloobayaan
  6. Dijaallada soo if baxay
  7. qof deymo leh haw shidhayn
  8. Haweenkuna waa duggaal
  9. deeqdaada badh bay yihiin
  10. waxaa lagu daaqayaa

 

  1. siday u dul leeyihiin
  2. shar daalacan baa jiree
  3. iyagu dedan bay dhasheen
  4. dunuubta ninkay badhxaan
  5. Rabbow ducadayda sii
  6. samaa dumar noogu dhiib
  7. raggana dummaddooda saar
  8. waxay dumiyeen Rabbow
  9. haddaanay xumaanta deyn
  10. Rabbow dalandoolka dhow

 

  1. shil noo dihin maalintaas
  2. Rabbow naga sii dabool
  3. hortaadana noo dalee
  4. degaankana nooga yeel
  5. daryeelku halkuu Run yahay
  6. haddaanay dir sooc lahayn
  7. falkaagu u daw bannayn
  8. cibaadadu waa ku daal
  9. Badbaado qof doonayow
  10. kashaada dareen ku beer
  11. dareenka samaa ku beer
  12. indhaha dib u soo muslimi
  13. Illaahay dartiis ku eeg
  14. daliilka hortaada yaal

 

Leave a Reply