Dhiirigelinta Shaqaalaha Shirkadaha !

0
486

Iyadoo wakhti badan ay fadhiyaan xafiisyada ayaa keentay in dad badan oo Shiine ay ku dhacdo xanuunada Subagga oo xoog ugu fiday dalkaasi.

Haddaba Madax shirkadda maalgelinta ee magaalada Shiyaan Mr. Wang Huebao ayaa goostay iuu shaqalaahiisa ku dhiirgeliyo inay miisaankooda dhimaan isagoo ugu balan qaaday qof kasta oo shaqaale ah oo dhima hal kiilo inuu siin doono abaal marin dhan $ 15. Arintan ayaa sababtay inay shaqaaluhu tagaan goobaha jimcsiga ee miisaanka lagu dhimo.

Gabadh ka mid ah shaqaalaha oo lagu magacaabo Tushu Wie ayay u suura gashay inay miisaankeeda dhinto 20 kiilo bil keliya waxaana ay ku guulaysatay abaal marin dhan $ 300 ama 2000 Yuwan.  Guud ahaan shaqaalaha shirkadda ayaa helay abaalmarino kala duwan oo ah miisaanka ay dhimeen. Ka sakow shaqaalaheeda shirkadda ayaa arintan ugu talo gashay inay bulshada ku dhiirigeliso inay dhimaan miisaanka xad dhaafka oo sababa xanuuno kala duwan.

Leave a Reply