Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo kulan la Qaatay Madaxda Hay’adda CCF

0
346

Hargeysa(Dawan):-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa kulan la qaatay madaxda iyo  Agaasimaha fulinta ee Hay’adda CCF  oo ka shaqaysa illaalinta duurjoogta  iyo  sharciyaqaano Caalamiya kuwaas oo sheegay inay golaha kala shaqayn doonaan samaynta xeerar iyo shuruuc lagu ilaaliyo duur joogta iyo deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa soo dhaweeyey madaxda Hay’adda una sheegay inay la shaqayn doonaan Guddi hoosaadka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah si ay hawlahaas u fududeeyaan mustaqbalka dhaw

Leave a Reply