William Gallas oo Su’aal ka Keenay Sababta ay Arsenal 50 Milyan uga Bixisay Ben White

0
681

Difaacii hore ee kooxda Arsenal ee William Gallas ayaa la yaabay go’aankii ay kula soo saxeexatay Ben White inkasta oo uu Raphale Varane diyaar ahaa suuqii xagaaga.

Kabtankii hore ee Gunners ayaa aaminsan in uu farqi weyn u dhexeeyo labada xiddig waliba ay Arsenal bixisay lacag ka badan midka ay Man United ka soo bixisay Varane.

Gallas ayaa sheegay in uu White u baahanyahay in uu is muujiyo si uu u gaadho heerka Varane oo ku biiray Man United suuqii xagaaga.

“Aniga way igu adagtahay in aan fahmo sababta ay Arsenal uga soo bixisay lacag 50 milyan oo euro kaas oo aan wali isku muujin in uu yahay daafac sare, isla markaas United ayaa 40 milyan oo euro kula soo wareegtay Raphael Varane oo ku guulaystay 4 champions League iyo koob adduun” ayuu Gallas yidhi.

“Waxa uu ku guulaystay La Liga, waa inaad ii sharaxdo sababta ay Arsenal ugu dhaqaaqday White iyadoo la heli karayay Varane”.

Leave a Reply