Berbera oo Lagu Gubay 86 kun oo Bac Miiko ah

0
360

Qore: Saciid Cagjar

Berbera (Dawan)- Maamulka dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa gubay Baco laga soo ururiyay goobaha kala duwan ee lagu ganacsado ee magaalada Berbera oo ay ka midka yihiin tukaamada iyo bakhaarrada.

Waxaana ugu horreyn goobtaasi ka hadlay agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee dawladda hoose ee degmada Berbera iyo sidoo kale agaasimaha maaliyadda, waxaana ay sheegeen in bacahan ay soo ururiyeen iyagoo raacaya xeerka deegaanka ee baarlamaanka Somaliland uu soo saaray. iyagoo ugu baaqay bulshada inay ka waantoobaan arrimaha ka hor imanaya sharciga ee dalka, isla markaana dhaawacaya deegaanka, oo ay tilmaameen in muhiimad gaar ah ay siinayaan dawlad hoose ahaan.

Gebogebadii, maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa sheegay in aanay shaqo ahaan ku faraxsanayn in maalin walba ay hanti gubaan, ee ay hirgelinayaan sharci ahaan siyaasadda deegaanka, isla markaana ay bacuhu yihiin aafo qaran oo halis ku ah deegaanka iyo nolosha dadka, sidaaw awgeed ay mar walba ku qasban yihiin inay la dagaalamaan.

Maayarku waxa uu intaas ku daray in ganacsatadu ay ka waantawdo wixii khasaare ku ah naftooda iyo dalkoodaba, isla markaana ay fuliyaan sharciga deegaanka ee dalka, oo mamnuucaya in bacaha la adeegsado.

Leave a Reply