Jaamacadda ALPHA Faraceeda Burco oo Deeq Waxbarasho Dibadeed u Diraysa Arday

0
417

Qore. Saleeban Kalshaale

Burco (Dawan)- Maamulka Jaamacadda ALPHA faraceeda Magaalada Burco, ayaa sheegay inay sanadkan deeqo waxbarasho oo dibaddeed u dirayaan Ardayda ka baxaysa Jaamacaddaasi kulliyadaheeda kala duwan.

Maamulka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay tiro kale oo Arday  ah oo ka soo jeeda Qoysas dan yar ah  siinayaan Deeqo waxbarasho oo gudaha ah.

Sidaasina waxa sheegay Cabdiqani Ibraahim Xasan Guddoomiyaha Jaamacadda ALPHA faraceeda Burco oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Dawan, kaasoo tilmaamay inay ku guulaysteen barmaamuj ay soo wadeen laba sanadood oo la xidhiidha sidii ay deeqo waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah ugu diri lahaayeen Ardayda ka baxaysa derejadda koowaad ee waxbarashada heer jaamacaddeed.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyey inay ilaa todoba Arday oo dhamaystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda ay u dirayaan waddamo ay kamid yihiin Itoobiya iyo Bangaladheesh, kharashka waxbarashadana ay Jaamaddoodu qayb ka bixinayso Ardaydaasi, qaybta kalena ay daboolayaan Jaamacadda la geynayaa.

“Labadii sannadood ee u dambeeyey waxaanu wadnay qorshe aanu doonaynay in aanu ardayda ugu saraysa Kulliyadaha Jaamacadda u dirno deeq waxbarasho oo dibaddeed.

Ilaahay mahadii sanadkan ayey u noo dhamaatay, ardaydii ugu horaysay ee ka kooban todobada kuliyaddood sanadkan ayaanu diraynaa. ardaydaa waxa aanu u soo helnay deeq waxbarasho oo ay Jaamacaddu badh ka bixinayso, qaybta kalena waxa ka bixinaya Jaamacaddo dibaddeed oo aanu la xidhiidhnay.  waxaanan u diraynaa wadamo badan oo ay kamid tahay Itoobiya, Bangaladhis iyo Maleeshiya (Malaysia), markaa waa arrin Ardaydana dhiirigelinbay u noqonaysa, waxbarasho iyo waaayo-arragnimana ay ka soo korodhsanayaan”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqani.

Isagoo ka hadlayey qaabka ay u xulanayaan Ardayda deeqda waxbarasho la siinayo, waxa uu tilmaamay  “Ardayda deeqaha waxbarasho helaya waxa aanu ku qiimaynaynaa waxbarashadoodii saddexdii sano ee ay Jaamacadda wax ka baranayeen”

Cabdiqani Ibraahim Xasan Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha, waxa kale oo uu waraysigan ku sheegay in sanad walba Jaamacaddu deeq waxbarasho dhamaystiran siiso todobaatan Arday oo danyar ah, taasoo ah fursadaha muhiimka ah ee ay Bulshada reer Burco u soo kordhisay Jaamacaddu.

“Sanad walba todobaatan ilaa Lixdan Arday ayaanu deeq Waxbarasho dhamaystiran siinaa. waxaanay Jaamacaddu  leedahay nidaam dadka danyarta ah ee aan awoodin inay Fee-ga Jaamacadda iska bixiyaan amma inay is qoraan lagu caawiyo, taasoo ah in marka la soo xaqiijiyo Ardaygu in aanu iska bixin karin Fee-ga lagu siiyo deeq waxbarasho oo dhamaystiran. kuwaa sanadka qalinjebinayana waxa ku jira arday badan oo saddexdii sanadoodba dhiganayey iyagoo aan wax lacag ah laga qaadin oo maanta anfacaya waalidkoodii iyo naftoodaba”

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay inay deeqdaa waxbarasho socotay tan iyo markii Jaamacadda laga furay Burco, Ardaydii deeqaha waxbarasho ka helay ee ka aflaxayna ay xilligan qaarkood qaranka xilal ka hayaan.

Isagoo ka waramayey fursadaha kale ee ay Jaamacadda Alpha Bulshada Gobolka Togdheer u fidiso waxa uu tilmaamay in Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacaddu adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ka fuliyaan deegaamada Gobolka ee ka baxsan Magaalooyinka waaweyn, taasoo ay ka faa’idaystaan dad badan oo aan soo gaadhi karin xarumaha Caafimaadku, waxaanu ku tilmaamay talaabooyin ay Bulshada wax ugu celinayaan “Jaamacaddu waxa ay lagama maarmaan ka dhigtay inay Bulshada dib wax ugu celiso. tusaale ahaan qaybta Caafimaadku waxa ay hawlgalo shaqo ugu baxaan meelaha Miyiga ah ee Gobolka Togdheer hoosyimaada inagoo halkaa ku fulina adeegyo Caafimaad, daawooyinkii oo bilaash ah, Shaybaadhkii iyo dhakhaatiirtii daaweynta.

Markaa dadka awoodi waayey inay Burco yimaadaan amma awoodi waayey karaashka Dhakhaatiirta ayey Jaamacaddu u fududaysaa adeegyadaas oo ay uga faa’idaysaa”

“Waxa kale oo ay Jaamacaddu ka qayb-qaadataa wacyigelinaha dhinaca caafimaadka, sida Corona Virus-ka iminka soo kordhay, waxa kale oo ay tababaro u qabataa Shaqaalaha Xafiisyada Dawladda oo ay aqoon-korodhsi gaagaaban ugu dhisto aqoontooda”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqani oo sidoo kale ugu bushaareeyey bulshada reer Burco inay Jaamacaddu marba marka ka dambeysa kor u soo qaadayso tayada waxbarashada jamaacaddeed ee ay bixiso.

Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha ayaa waxa uu intaa raaciyey inay sanadkan qaybaha waxbarashada ka dhamaysteen faraca uu maamulo ee Burco in ka badan saddex Boqol oo Arday, waxaanay tilmaamay inay sanadba sanadka ka dambeeya sii kordhayaan Ardaydu.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay wada shaqayn fiican la leeyihiin Xafiiska Guddida Tacliinta sare oo qiimeyn ku sameeya tayada waxbarasho ee ay Ardayda siiyaan, isla markaana waxa uu dhinaca kale Ardayda sanadkan gelaya waxbarashada Jaamacaddeed ugu bushaareeyey inay u hayaan tacliin tayo leh oo dhamaystiran, lehna tayo iyo raandhiis buuxa.

Leave a Reply