Dogoble: “Iskuul Baanu Idiin Dhisaynaa” Maayarka Buuhoodle

0
382

Qore Khadar Cabdi Muuse

Buuhoodle (Dawan): Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, iyo wefti ay hogaaminayso oo maalmahanba safar shaqo ku maraysay deegaamo ka tirsan gobolkaasi ayaa shalay gaadhay deegaanka Dogoble.

Maayarka waxaa safarkaasi ku wehelinaya xubno ka tirsan golaha deegaanka Buuhoodle iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee isla degmadda Buuhoodle. Safarka maayarka ayay u jeedadiisu tahay u kuur gelidda baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaankaasi, iyadoona dhamaanba si weyn loogu soo dhaweeyay deegaamadii ay maayarka iyo weftigiisu.

Markii maayarka iyo weftigiisu ay gaadheen deegaanka Dogoble waxay halkaasi warbixino la xidhiidha xaaladaha guud ee nololeed ee bulshadda iyo baahiyaha haysta ka dhegaysatay bulshadda deegaankaasi. Iyadoo deegaanka Dogoble uu ka arradan yahay dhamaanba addeegyadda aasaasiga ah ee nolosha sida waxbarashadda, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabaha kaleba.

Maayar Khadiija Axmed Aadan, oo la hadashay dadweynaha reer Dogoble ayaa u balan qaaday in ay u dhisi doonto dugsi waxbarasho oo hoose dhexe, iyo xarun caafimaad, maadaama oo labadaasi ay yihiin waxyaabaha ay sida weyn baahida ugu qabaan bulshadaasi.

Maayarka iyo weftiga la socday ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda deegaanka Dogoble, isla markaana wixii ay ka qaban karto ay ka qaban doonto baahiyaha aasaasiga ah ee ay deegaankaasi qabaan.

Maayar Khadija Axmed Aadan, oo ka warbixinaysay u jeedadda safarkoodda, waxay tidhi “Socdaalkayagu ama u kuur galkayagu, waa baahiyaha ka jira deegaamadda, si aanu u soo ogaano deegaan kastaba baahidiisa, oo aan isku dul taagno. Haddii aanu xogtiinii la baxnay kollay baahida u weyn ee aad hadda xooga saarteen ama lanbar koowaad aad ka dhigateen, waa iskuulka. Insha ALLAAHU iskuulka na waan idiin dhisaynaa. Dadweynaha sidan u badan ee aan iskuul lahayn… iskuul waan idiin dhisaynaa, sida ugu dhakhsaha badan ayaanan uga hawl gelayaa. Waxa ugu horeeya ee aan waxqabadka ka dhigayo degmadda Dogoble, iskuul bay noqonaysaa”.

“Baahiyaha degmada dhan… degmadda Buuhoodle, wixii baahi ka jirta waan is wada dul taagaynaa. Siday u kala sareeyaana waan u kala guraynaa. Deegaan walba ta u saraysa ee ugu baahida badan, ee aanay ka sii marmi Karin, ayaanu isku dul taagaynaa. Baahi kastoo aad leedihiina waad noo soo gudbinaysaan” ayay tidhi maayarka Buuhoodle.

Marwo Khadiija, waxa kaloo ay bulshadda deegaanka Dogoble ka codsatay in ay samaystaan guddiyo ay magaaladu yeelato, si ay ugu soo gudbiyaan hadba wixii baahi ah ee ay bulshadu qabto. Waxaanay tidhi, “Waxaanan idinka codsanaynaa guddi in aad samaysataan nala soo xidhiidha, oo aanu arrimaha deegaanka kala xidhiidhno”.

Dhinaca kale mid ka mid ah odayaasha deegaanka Dogoble oo maayarka iyo weftigiisa warbixin ka siinayay xaaladda deegaanka ayaa sidan yidhi, “Magaaladdani waa magaallo in muddo ah jirtay, wax allaale wax naga soo gaadhay deegaamadana ma jiraan. Degmadani iskuul ma leh, biyo ma leh, loo qoday. Danahayaga iyo waxqabadkayaga ayaanu ku joognay.

Maantana anagu waxaanu u baahan nahay, dugsi waxbarasho, biyo, wax allaale wixii addeeg bulsho ah waxba nagama soo gaadhin, waanan u wada baahan nahay gidigoodba. Suuliyaasha yar yar na anagaa qodanay iyo waxa meesha lagu degan yahay. Markaa waxba diidi mayno wixii na loo qaban karaba waan u baahan nahay, ee addeeg ah, oo waxbarashadu ugu horaysa, ama iskuulku”.

Dhinaca kale deegaamadda ay maayarka iyo weftigiisu marayeen ayaa ku kala duwan dhinaca addeegyadda bulshadda sida ay ugu baahan yihiin, iyadoo deegaanka Dogoble uu noqday ka ugu darran ee aanay gebi ahaanba ka jirin wax addeegyo bulsho ahi.

Leave a Reply