Madaxda Maaliyadda oo Golaha Wakiilada u Sharxay Hab-raaca Miisaaniyadda iyo Arrimo Kale

0
248

Hargeysa-(Dawan)- Madaxda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo kulan la yeeshay Gudidda Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sharaxaad ka siiyey hawlaha ay Qaranka u hayaan, sida Hab-raaca miisaaniyadda iyo arrimo kale ee wada shaqeynta labada dhinac u dhexeysa.

Kulan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan iyo hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa la sheegay inuu ku saabsanaa is-barasho iyo xogwaran Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu siiyeen Xubnaha Guddiga Dahqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada.

Gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdirashiid Cabdilaahi oo kulanka gudoominayey kulankan ay yeesheen labada dhinac oo saacado qaatay ka dib warbaahinta lala wadaagay ujeedada kulanka.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay ujeedada kulanka ay la yeesheen Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa sheegay inuu ahaa kulankii koowaad ee labada dhinac yeeshaan, isla markaana iska waraysteen hab-raaca miisaaniyad sannadeedka, waxaanu yidhi, “Saaka (shalay) waxaanu kulanay guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, si wanaagsan ayuu shirkaasi noogu qabsoomay, waxaan uga mahadcelinayaa Gudoomiyaha iyo dhamaan guddiga sidii wanaagsanayd ee ay noo qaabileen, isuna waraysannay.”

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo sii faahfaahinayey ujeedada kulanka iyo arrimaha ay ka wada hadleen ayaa yidhi,

“Waxaanu iska warraysannay arrimo la xidhiidha hab-raaca miisaaniyadda, cashuuraha iyo arrimo kale, si wanaagsanna wuu noogu dhamaaday.”

Dhinaca kale, qoraal lagu baahiyey barta Golaha Wakiilada ee FACEBOOK ayaa lagu sheegay in Gudidda Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada JSL ay kulan la yeeshay Wasiirka wasaarada Horumarinta Maaliyada Dr Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan iyo qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Wasaaradaas.

Kulankan oo ahaa is barasho iyo is xogwaraysi guud ku saabsan shaqada Wasaarada Maaliyadu Qaranka u hayso ayay xubnaha gudiduna suaalo ku waydiiyeen madaxdii Maaliyadda.

Leave a Reply