Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 9-aad ee ka baxda jaamacadda Abaarso Tech ee magaaladda Hargaysa.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka qayb galka qalinjebinta ardayda jaamacadda Abaarso Tech, Waxaanu tilmaamay in jaamacadda Abaarso Tech ay qiimo weyn ugu fadhido qaranka Somaliland, isla markaana guddoomiyaha jaamacadaasi Dr. Axmed Xuseen Ciise, uu dedaal badan geliyay sidii uu dalka waxyaabo bada