Xidhiidhka Samalfalka Iyo Cimriga Qofka!

0
321

Daraasada lagu baahiyay Wargeyska Times ayaa cadeeyay  in qofka akhlaaqda wanaagsan ee aad u ilaaliya xuquuqda bulshada uu ka cimri dheeraado dadka dhibta badan ee xadgudbku ku badan yahay, dadkuna aanay ka nabadgeln.

Daraasada ayaa sheegtay in dadka aad u ilaaliya walaaltinimda, samafalka bulshada  iyo ixtiraamku ay yihiin kuwo ay ku yar tahay anaaniyda iyo keli wax isla doonku, taasi oo sababta in shaqada maskaxdu had iyo jeer ay si degen u hawl gasho, Cimirigeeduna ku dheeraado.

Dadka cadhada badan, xasadka iyo dhibtuna ku badan tahay, had iyo jeer maskaxdoodu waxa ay mashquul ku tahay hawlo aan waxba u tarayn taasina oo ku keenta in cimirigeedu uu noqdo mid soo gaabta.

Waxa kale oo daraasadu muujisay in jimcsiga, iyo ilaalinta caafimaadka iyo nadaafada ay iyaguna qayb ka yihiin cimiriga dheeraada.

Leave a Reply