Xildhibaan Barkhad Batuun oo 20,000 oo Dollar ka Guddoomay Xaliimo Biritish.

0
738

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ka mida mudanayaasha  golaha wakiilada Somaliland  ayaa lacag dhan 20,000, ka guddoomay Xaliimo Cumar (Xaliimo Biritish) oo ka mida haweenka Somaliland.

Geestiisana xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay inuu lacagtaas ku dhisi doono xannaano ay yeelan doonto xaafadda Daami.

Deeqdan ayaa ka dambaysay hadal ay jeedisay Qadiija Maxamed Diiriye oo ka tirsan xukuumadda fadaraalka Soomaaliya.

Wasiir Qadiija waxay sheegtay in ay dib ula noqotay lacagtaas oo ay hore xildhibaanka ugu ballan qaaday, iyadoo ku sababaysay sidii uu xildhibaan Barkhad uga hadlay talaabadii Somaliland ka qaaday dadkii u dhashay Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Laascaanood.

Waxa xusid mudan in Xaliimo ay deeqdaad xildhibaanka ugu gaysay xaafadda Daami oo ah meelihii salka u ahaa cududa ololihiisii doorashada.

Xildhibaan Barkhad isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Walaashay Xalimo waan u mahadcelinayaa, waxaan uga mahad celinaya inay igu maamuustay dhaqaale ay gaadhi igu iibinaysay, in hadiyada ay ii keentay aan ka guddoomo.

Lacagta 20-ka kun ee dollar ah ee gaadhiga ay ugu tallo gashay ee walaashay igudoonsiisay waan ka gudoomay, 20-ka kun ee dollar in aan gaadhi ku wato ma doonayo, balse wax iyadana wanaag u ah degaanka wanaag u ah, dalka wanaag u ah, ILLAAHEY-na aynu ka rajjaynayno in ay sadaqo u noqoto oo baahi degaanka talla ayaanu doonayna in aanu sameyno, MCH, ayaa xaafadan aan ku dhashay, aan dhex deganahay ay u baahan tahay, 20-ka kun MCH-ka iyo dhulka  ma dhisayaan, anigu ka xildhibaan ahaan waxa aan balanqaadaya 10-kun oo dollar in aan ku daro, marka 30-ka kun ee dollar waxa aan doonaya inaan ku wareejiyo oo deg deg uga hawlgalaan oo aan faro odayaasha degaanka Boqorka iyo Suldaanka in si deg deg loo dhiso xaruntaasi hooyada iyo dhallaanka, intaasi ayay guddoonka iyo kala guddoonku ay tagan tahay, aad iyo aad ayaan mar labaad iyo mar saddexaadba idiinku mahad celinayaa.

Waan arkayay walaashay Qadiija oo xalay hadlaysay, balse anigu ma ihi nin haweenka la tirsada Sharaf iyo milgo iyo maamus ayay haweenku iga mudan yihiin waana birimageydo, wax aan ixtiraam ahayn uma hayo.

Dadka aniga I taageersan ee I jecela, waxaan odhanlaha waa Hooyo, waa marwo intaasi iyadana yaan lloo dhaafin”

Xaliimo Cumar (Xaliimo Biritish), iyadda oo arrmihaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi. “Waxaan halkan umid in aan balanqaadkaygii fuliyo, Barkhadna gaadhigii aan ku wareejiyo, hadalka Qadiija waxaan u arka in uu ahaa wax la soo dhexmariyay, maan arag lacag barkinta la hoos gashado haddii aanay Muqdisho ka jirin”

Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa sheegay in isaga iyo suldaan Daakir ay ku dari doonaan shank un oo dollar.“Waxa wanaag inoo ah oo Sharaf Xalimo ah iyada oo iyadu dhakhtar ba ah markii aanu nidhi xaafadu waxa ay u baahan tahay xarun hooyada iyo dhallanka ah xooga ayay u soo dhaweysay, xaruntana marka la dhiso wax badan ku soo kordhin doonta oo iyada ay shaqadeediiba tahay, aniga iyo suldaan Daakirna shank un ayaanu ku daraynaa,”

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in 20, 000 ee dollar, ay ugu deeqday haweenayda Xaliimo Biritish uu ku dari doon 10,000, oo dollar, iyo shan kun oo dollar oo ay ku dareen Boqor Axmed Iimaan iyo Suldaan Daakir, isu gaynta lacagtaas oo ah 30, 000 lagu dhisi doono xannaano hooyada iyo dhallaanka ah oo ay yeelan doonto xaafadda Daami.

Leave a Reply