Xukuumadda oo kormeertay Goobaha Ciidamada Milateriga iyo Asluubta wax lagu barro.

0
354

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Dr. Cabdixakiin Siciid Muuse (Bustaale) iyo agaasimayaasha waaxyaha waxbarashada tooska ah, waxbarashada dadban, iyo farsamada gacanta ayaa maanta soo kormeeray xarunta ay ka socoto waxbarashada ciidamadu.

Waxbarashadan ayay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada iyo ciidanku ayaa loogu talo galay kor u qaadista aqoonta ciidamada kala duwan.

Wasiir ku xigeenka ayaa balan qaaday in ay  ka wasaaradd ahaan sii wadi doonaan waxbarashada korka loogu qaadayo ciidamada asluubta iyo milateriga.

 

Leave a Reply