Muranka Iyo Doodda Wakhti Lumiska Ah!

0
379

Maamulihii Shirkadda aya u soo galay saddex shaqalihiisa ka mid ah, kii u horeeyay ku yidhi  laba laba kale loo geeyay waa shan soo sidaasi run maaha ( 2 + 2  =5 ), waxaana shaqaaluhu ugu jawaabay ha waa sax. Kii labaad ayuu haddana weydiiyay oo ku yidhi lab laba lagu daray waa shan soo sax maaha  ( 2 + 2 = 5), waxaan uu ugu jawaabay haa maamule marka mid lagu daro wa sidaasi ( 2 + 2 +1 =5) .

Kii saddexaad ayuu weydiyay oo ku yidhi laba laba loo geeyay soo shan maaha. Waxaanu ku jawabay maya maaha waa afar ( 2 +2  = 4 ), isagoo weliba ku celceliyay waa khalad sida aad sheegayso, maaha shan waa afar. Waxa xubintan shaqaalaha ah wakhti ka qaatay jawaabta.

Maalintii labaad eee ku xigtay waxa ay labdii shaqaalaha ahaa ee ku jawabay haa, waayeen saxiibkooda ku jawaabay waa afar. Markii ay weydiiyeen maamulihiina wuxu ku yidhi “ Shaqadu way ka maarantay ninkaasi” “Boss always right” Maamuluhu mar kasta wa sax. Waxa laga yaab inaad fahanto Halxidhaalahan adiguna!. Maamulka waa la adeecaa, Mar kastana waa inaad fahanto  ujeedkiisa runta ah. Muranka, isla weynida iyo hadalka badani waa wakhti lumis iyo waxqabad la’aan.

Leave a Reply