Wasaaradda Biyaha oo Gobolka Saraar ka bilowday hawlgal biyo macaan lagu sahaminayo

0
583

Magaalada Caynabo waxa ay Xukuumadda Somaliland ka bilowday hawlgal lagu sahaminayo Ceelal biyo macaan ah oo la doonayo inay ka cabto Magaaladaasi, mashruucaasoo qayb ka ahaa balanqaadyo ay hore xukuumaddu u samaysay bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

khubaro ka socda Wasaaradda biyaha oo uu hogaaminayo isuduwaha Wasaaradda Biyaha ee Gobolka Saraar, ayaa qaaday sahamin lagu samaynayo meesha ugu haboon ee laga heli karo biyo macaan.

Waxa sidoo kale Magaalada Caynabo laga dhagax-dhigay oo dhismihiisu bilaabmay xarunta Wasaaradda Biyaha ee Gobolkaasi, iyadoo ay geesta kale saraakiisha Wasaaraddu sheegeen Gobolka laga hirgelin doono dhaam-biyood lagu qabanayo Biyaha roobka oo aad u weyn.

Mashaariicdan waxa si weyn u soo dhaweeyey bulshada gobolka, gaar ahaan magaalada Caynabo oo xubno kamida hogaamiyeyaasha bulshadu sheegeen inay xukuumaddu kaga jawaabtay balanqaad hore oo uu madaxweynuhu u fidiyey.

Waxa ay si weyn ugu mahad celiyeen Wasiirka Wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Cali Xasan Maxamed oo ay sheegeen inuu soo dedejiyey fulinta balanqaadka Madaxweynaha oo wakhti la sugayey.

Isuduwaha Wasaaradda Biyaha Gobolka Saraar Cabdilaahi Maxamed Warsame oo warbaahinta la hadlay xilli ay ku sugnaayeen goobaha biyaha laga sahaminayo, ayaa sheegay in mashruucan oo uu madaxweynuhu balanqaaday in badan la sugayey oo ay dadweynuhu waydiinayeen sababta uu uga maqan yahay.

Waxa uu sheegay inay sahamintii dhamaystireen, jawaabna laga sugi doono, isagoo intaasi ku daray “waxa kale oo qorshihiisii socdaa oo uu wasiirku balanqaaday (Wasiir Cali Mareexaan) dhaam laba boqol oo mitir oo isku-wareeg ah oo aynu rajeynayno inuu sanad ku hanan doono biyaha Magaalada Caynabo, kaasina wuu soo socdaa. waxa kale oo iyaduna jirta Xafiiskii Wasaaradda Biyaha oo dhismihiisu iminka bilaabmaya”ayuu yidhi Isuduwaha Wasaaradda Biyaha Gobolka Saraar.

Halkan ka DAAWO Muuqaal:

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo uu dhawaan Madaxweynuhu magacaabay, ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inay Xukuumaddu juhdi badan gelin doonto sidii adeegyada Biyaha loogu fidin lahaa guud ahaan dalka.

Leave a Reply