Xasadka Arrin Ayuu Ku Sejiyaa!

0
788

Markii shaqaalihii Dayuuradu rakaabki mid kasta fadhiisyay kursi ku haboon, ayay u yeedhay gabadh daal ka muuqdo oo rakaabka ka mid ahi, waxayna ku tidhi “ Ninkan agtayda fadhiya waxaan necbahay midabkiisa iyo sida uu u lebistay, kursi kale fadhiisi oo iga kaci si aan safarkayga raaxo uga helo. Hadalkii ayay haddana kor u qaaday iyadoon dareenka ninka ag fadhiya tixgelin.

Ninki Shaqaalaha dayuuradda ahaa ah ayaa ku yidhi :” Waa hagaag marwo”. Markii uu dayuurada kuraasideeda wada eegay waxa u helay kursi ka banaan oo ah qaybta qaaliga ah ee koowaad.

Ninkii ayaa ku soo noqday gabadhii iyo ninkii is ag fadhiyay waxaana uu ku yidhi ninkii “ Mudane soo kac waxaan ku helay kursi qaybta koowaad ah, si aad uga raysto cadhada gabadha agtaada”. Ninki ayaa markiiba kacay oo raacay oo ku raaxaystay qaybta muhiimka ah. Gabadha ayaa aad u cadhootay oo jeclayd in kurisgaasi uu iyada la geeyo. Waxayna tidhi maxaad aniga kaasi iisiin weyday. Isaguna wuxu ugu jawaabaya “ Waxaad igu tidhi ninkan iga ag kici, igumaad odhan, kursigan iga bedel”. Sidaasi ayuu kibirku murugo u wataa.

 

Leave a Reply