Xoghayaha Guddida xakameynta Covid19 oo ka waramay xaaladihii u dambeeyey cudurkaasi

0
176

“Ma jirto lacag laga qaado dadka iska baadhaya cudurka Covid19, cidii la waydiiyaana ..”Xoghaye Xuseen-deyr

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Xoghayaha guddida heer Qaran ee xakamaynta iyo ka-hortagga cudurka COVID19, Xuseen Aadan Cige (Xuseen deyr) oo khamiistii todobaadkii hore warbaahinta qaranka waraysi siiyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey dedaallada heer qaran ee lagu xakamaynayo cudurkaasi oo bilihii u dambeeyey ku soo laba kacleeyey Somaliland, isagoo ah nooc cusub oo ka halis badan noocyadii hore, waxaanu sheegay inay guddida uu guddoomiyaha u yahay Madaxweyne ku-xigeenku iyo Hay’addaha kale ee xukuumaddu iyagoo iskaashanaya juhdi faro badan geliyeen sidii Qaranka looga badbaadin lahaa halista cudurkaasi.

Xuseen Aadan Cige (Xuseen deyr) waxa uu tilmaamay oo uu bulshadana ku adkeeyey in qaabka qudha ee uu dadku cudurkaasi kaga badbaadi karaan ay tahay inay qaataan talaalka cudurkaasi oo la gaadhsiiyey Miyi iyo magaalaba deegaamada dalka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee mashquulka ah.

Xoghayuhu waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey mishiinada shaybaadhka cudurkaasi, meelaha laga helayo iyo sida loo maamulo, waxaanu meesha ka saaray jiritaanka wax lacag ah oo laga qaado dadka iska baadhaya cudurka ee aan ahayn kuwa dhoofaya oo uu tibaaxay in laga qaado kharash yar oo aad u jaban, marka loo eeggo qiimaha dalalka kale lagu qaado.
Arrintaasoo ah mid ay hadal haynteedu bulshada dhex qaaday, ayuu cadeeyey in aan haba-yaraatee shilin lacag ah la waydiin muwaadiniinta doonaya inay iska-baadhaan xanuunkaasi.
“Mishiinnada Shaybaadhka cudurka covid19 ee (DCR)waxay yaallaan lixda gobol caasimadahooda. qof kasta oo reer Somaliland oo isku-arka calaamadaha cudurku wuxuu iskaga baadhi karaa lacag la’aan, mana jirto wax lacag ah oo laga qaadayaa, haddii lacag la waydiiyana waa arrin dambi ah ee waa inuu cabasho noo soo gudbiyaa, waxaanu dacwad u gudbin karaa xafiisyada wasaaradda caafimaadku meel kasta oo ay ku yaallaan.
lacagta laga qaado dadka dhoofaya anigu waxaan hubaa inay Somaliland tahay meelaha ugu jaban caalamka dhowr iyo afartan doolar ayaa laga qaadaa dadka dhoofaya shaybaadhka, laakiinse dadka caadiga ah ee dalka joogaa markuu qofku iska dareemo calaamadihii cudurka shaybaadhka wax lacag ah lagama qaadayo, midhkaas aniga cadaynaya dadka dhoofaya ayuunbaa lacag laga qaadaa afartan doollar”ayuu yidhi.

Xuseen Deyr waxa uu xaqiijiyey in labadii bilood ee u dambeeyey cudurka Covid19 ay Somaliland ugu dhinteen lixdan qof, dadka uu soo ritayna aad uga badnaa bilihii horaanta sanadka, taasina ay cadaynayso heerka saameyneed halista ku ah nololsha dadka ee uu leeyahay, waxaanu iftiimiyey in dadka talaalka qaatay boqolkiiba sagaashan ka badbaado badan yihiin kuwa aan talaalka qaadan oo uu farta ku fiiqay inay halis ugu jiraan dhimashada cudurkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inay socoto daraasad laysku barbar-dhigayo dadka uu cudurku soo rito ee aan talaalka qaadan iyo kuwa qaatay sida uu ugu kala saameyn badan yahay, waxaanu yidhi;
“Dad badan ayaa isweydiin kara majiraa qof Talaalka qaatay oo xanuunka u dhintay? wali ma hayno qof talaalka qaatay oo cudurka u dhintay ama talaalku wax u geystay oo u dhintay, waxa dhici karta tobankii Milyan ama boqolkii milyan ee dad ah in qof Irbada lagu muday iska dhinto.
waxa jirta daraasad ay Wasaaradda caafimaadku wado oo lagu ogaanayo tirada dadka talaalka qaatay ee cudurku ku dhacay oo laysku barbar-dhigayo dadka la talaalay iyo kuwa aan la talaalin intee in leeg ayuu ku dhacay cudur? daraasadaasi wali may dhamaan oo maxsuulkeedii muu soo bixin wali baadhistiibaa socota”

Xoghayaha Guddida Xakameynta COVID19, waxa uu sidoo kale waraysigan gabagabadiisii farriin ugu diray bulshada Somaliland oo ugu baaqay inay qaataan talaalka cudurka iyo inay u hogaansamaan farriimaha wacyigelinta, waxaanu yidhi;
Farrinta aan dirayaa waxay tahay illaahaybaa badbaado haya. waxa loo baahan yahay in qof waliba uu naftiisa ka badbaadiyo, inuu qoyskiisa ka badbaadiyo . waxa lagama maarmaan ah in waliba Af-saab xidho, in la faraxasho, in la kala fogaado oo loo hogaansamo farriimaha Caafimaadka ee wacyigelinta Telefoonada.
Ta ugu muhiimsan waa in dadku talaalka qaato oo ay is talaalaan ilaahaybaa wax badbaadiya, laakiinse waxa muhiim ah inaynu talaalka qaadano”ayuu ku sheegay waraysiga Xuseen Aadan Cige Xoghayaha guud ee guddida la-tacaalida cudurka Covid19.

Halkan ka Daawo Muuqaalka waraysiga:

Guddida ayaa todobaadkii la soo dhaafay dhexdiisii soo saartay go’aamo lagu xakamaynayo faafista cudurkaasi, waxaana sidoo kale dib loo bilaabay wacyigelintii dhinaca Telefoonada ee dadweynaha lagu baraarujinayey ka foojignaanta xanuunkaasi, iyadoo tan iyo bilowgii bishan October intii talaabooyinkaasi la qaaday uu isbedel togan ka muuqdo faafista cudurkaasi.

Leave a Reply