Farqiga u Dhexeeya Xilliyada Bad-furanka iyo Bad-xidhanka Kalluumaysiga

0
168

Xilliga shaqada kalluumaysatadu bilaabanto waxa loo yaqaanaa bad furan, xilligaasna dadka kalluumaysatada ahi waxay ku socdaan si xawli ahi, suuqyada iyo sayladaha kalluunkuna waa qaar aan la kala bixin oo si weyn saxmad u ah, xadiga kalluunka soo galaana, waxa uu gaadhaa heer gobollada dalka loo iib geeyo.
Xilli sannadeedka kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee badda isku si looma soo wada dabo ama looma soo wada jilaabto, waqtiga qaboobaha hal kaluun oo ka mid ah kalluunka badda ayay kalluumaysatadu soo jilaabtaan, waana nooca loo yaqaan kalluunnada guura, mana hal nooc kalluunkaas ee boqolaal nooc oo kalluun ah oo kala duwan.
Laba hab oo keliya ayaa waqtigan kalluunka loo soo jilaabtaa, waana shabaagta karaabta leh oo la dhigo bad weynta biyaha dheer ama baaxadda leh, waxaana loo yaqaanaa saabi ama sabaayad, baroosinka ayaana si rasmi ah laashka loogu qaadaa, ugu yaraan shan baxaari ayaa soo jiidda shabaga jilaabta.
Sidoo kale waxa jira xilli la yidhaahdo bad xidhan, waana xilliyada uu suuqyada ku yaraado helitaanka kalluunku, isla markaana waa xilliga aanay kalluumaysatadu gaadhin bad weynta fog si ay uga soo jilaabtaan kalluun, sababtuna waxa weeye xilligaas waxa badda ka jira dabaylo iyo mawjadaha badda oo aad u kacsan, kuwaasoo aan saamaxayn in laashka ama doomaha yar yare e kalluumaysigu ay awooddaan inay sabeeyaan badda dusheeda.
Sida barrigaba ay uga jirto ama dadka xoolo dhaqatada ahi ay u soo maraan xilliyo kala duwan oo jiilaal, gu’, dayr iyo xagaa ayay badda iyo kalluumaysataduna u leeyihiin xilli sidaas u kala duwan oo waqtina ay helaan ama soo jilaabtaan kalluun badan oo suuqyada ay keenaan, xillina ay bad xidhan u tahay oo aanay awooddin inay kalluun badan kasoo helaan.

Leave a Reply