Go’aanka Saxda Iyo Joogtaynta!

0
335

Dhib ka ugu khatar badan ee qof ku dhacaa, wax kale maaha ee waa isagoo male xun naftiisa ka maleysta.

Ma maqashaa  kelmadahan soo socda: “Ma Awoodo, ma Karayo, xitaa hadaan sidaa yeelo waan Khaldamayaa, ama waan Fashilmayaa”.

Kelmadahaasi waxa ay  ka halis badanyihiin dagaal tooska ah oo hub iyo rasaas la isku adeegsado. Isku dey inaad warqad iyo qalin soo qaadato ka dibna aad qorto wax kasta oo aad hore u tidhi ma awoodo, kuna hoos qor waan awoodaa, waan samayn karaa, naftaadana ku kalsoonow.

Nin xakiim ah ayaa yidhi “ Arrin kasta waxa uu ku bilowdaa yaraan, ka dibna waa uu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxa ay ku bilaabantaa weynaan ka dibna waa ay yaraataa”. Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo rakhiis noqdaa , edebta mooyee, iyadu waa ay qaaliyowdaa”. Guushuna waa go’aanka saxda ah, sabirka iyo joogtaynta. Sabirka iyo inaad farajka sugtaana waa muhiim. Rasuulka Allah (scw) waxa uu yidhi: “ Cibaado waxa ugu fadli badan: farajka oo la sugo” Waxa weriyay Tarmadi.

Leave a Reply