Hurdada Iyo Huteelada Dhibta Badan!

0
232

Goobaha hurdada ee ugu halista badan dunida waa kuwo ay dad badani jecel yihiin inay dalxiisaaan waxaana ka mid ah kuwan soo socda:Hoteel la aasaasay sanadkii 1989, oo ah hudheelkii ugu horreeyay ee adduunka laga sameeyay baraf.

Huteelkani waxa ku yaalla tuulada Joksgar ee dalka Iswiidan, Hurdada hudheelkan waa ugu halista badan ee aad abid la kulmi lahayd. Waxaana sabab u ah iyadoo Qolalka hudheelka heer kulkoodu uu aad u hooseyo kaasi u dhexeey -5 ° -8 ° C.  Maamulayaasha huteelka ayaa siiya dadka seexanaya dhar adag, gacmo gashi, kabo iyo qalab kale oo martida loogu talo galay si ay u helaan diirimaad. Haddii aanay qalabkaasi xidhan waxa suuragal ah inay isla habeenkaasi ku dhintaan huteelka dhexdiisa qabow dartiis.

Waxa kale oo Swedan ku yaalla Qolalka hurdada ee ugu hooseeya dunida. Waa huteelka Sala Silvermine Hotel oo u oggolaanaya martida in ay seexdaan 155 mitir dhulka hoostiisa ah oo loogu tala galay 2 qof.Xaruntan huteelka laga sameeyay waxay ahayd goob laga qodo macdanta silverka qarnigii 15aad ilaa 1905.  Martida seexataa waxay daawan karaan isla markaana war bixin iyo qoraalo ka samayn karaan goobta huteelkan, laakiin waa inay la qabsadaan xaaladaha cimilada iyo heerkulka, maxaa yeelay waa goob qabow iyo qoyaan badan.

Leave a Reply