Xikmadaha Maanta

0
307
  • Nebi Muse (cs) isagoo Ilmo yar ah ayay badu badbaadisay oo nabad galisay, Fircoona isagoo awood badan oo ciidan xoogan wata ayay badu hafisay, maaha awoodaada, xikmadu waa in Allah (sw) kula jiro”
  • Hadii aad doonayso inaad saaxiib barato safar u raac, waxa kuu muuqan doona wax kasta oo uu qariyo, safar waxa loo yidhi waxa ku raaca akhlaaqda iyo anshaxaaga.

 

  • Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen kuwo badan qalbiga maydha jidhka intaanad maydhin.
  • Guushu waa denbiga keliya ee aanu Xaasidku cafiyin.
  • Waad guulaysan doontaa marka aad rajo u samayso kuwa quustay, jeclaato kuwa la neceb yahay, deeqsi u noqto dadka baahan.

Leave a Reply