Maayar ku xigeenka Hargeysa oo ka hadlay Ujeedada Caasimada ay kaga Saarayaan Xoolaha

0
738

Hargeysa (Dawan):-Maayar ku Xigeenka caasimadda Hargeysa Khadar  Axmed Cumar ayaa ka hadlay u ujeedada ay ka leeyihiin in Caasimada laga saaro Xoolaha.

Khadar  Axmed Cumar ayaa  sheegay in Magaalada Hargeysa ay ka saari doonaan Xoolaha  marka ay gaadho 15 Cisho ee loo qabtay,waxaanu usoo jeediyay Dadweynaha in ay  fuliyaan Wareegtooyinka ka soo baxa Dawlada Hoose.

Khadar isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Toddobaadkii hore waxa la soo saaray in  Magaalada Hargeysa laga saaro Xoolaha, ujeedada ka dambaysaa waxa weeyaan in Magaalada la qurxiyo.sidaa darteed wareegtadaa Maayarku soo saaray wakhtigii loogu talo galay marka ay gaadho Xoolaha waa laga saarayaa Magaalada.waxaanan  ka codsanaynaa Dadweynaha reer Hargeysa in ay u dhego nuglaadaan Wareegtooyinka ka soo baxaya Dawlada Hoose ee Hargeysa,”.

Sidoo kale Maayar ku xigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay dadweynaha Caasimada ku nool in dhirta ay ku beeraan Magaalada waxaanu yidhi”Qof kasta waxa waajib ku ah in uu geed beero si  Deegaankeenu u wanaagsanaado, oo Roobka aynu u helno waa in aynu dhulka beerno.”.

 

Leave a Reply