Guurka oo  laga Raago Waxaa laga Qaadaa Cilladahaan

0
596

Hargeysa (Dawan) Nebigeenna suuban NNKH wuxuu dhalinta kula taliyay inay guursadaan haddii ay awoodaan, tani waxay na tusaysaa ahmiyadda guurka iyo inaan laga maarmi karin iyo inuu leeyahay faa’idooyin badan, cudurro badanna ka hortag u yahay.

Wixii diinteennu inaggu dhiirrageliso xikmad badan ayaa ku jirta.

Siduu ALLE SWT ku sheegay quraankiisa, rasuulkane noo cadeeyay Guurku waa shay muhiim u ah nolosha bini’aadanka, wuxuuna isbadal jir iyo nafsi ahaanba ku sameeyaa qofka, waxaana laga helaa daganaansho, kalgacal iyo naxariis qofka ku abuuranto, wuxuu kaga badbaadaa fakarka, kalinnimada iyo kacsanaanta niyadda.

Waxaa hubaal ah gurigii ku dhisan isfahan iyo kalgacal in labada qof ee isla nool ay ka helaan farxad iyo nolol wanaag, tan oo saamayn ku yeelanayso noloshooda iyo hab dhaqankooda guud.

Guurka oo laga daaho waxaa laga qaadaa dhibaatooyin badan oo caafimaad oo ragga iyo dumarkaba ku dhaco, dumarkana ku sii badan.

Caafimaadka wadnaha: Guurku waxa uu yareeya halista cudurrada wadnaha ku dhaca.

Daraasad lagu sameeyay wadanka Mareykanka ayaa la sheegay in dadka weli guursanin iyo kuwa Carmasha  ahi ay kaga badan yihiin xanuunnada wadnaha marka loo barbardhigo dadka guursaday.

Difaaca jidhka: Guurka wuxuu xoojiyaa difaaca jidhka wuxuu isbadal ku sameeyaaa nafsiyadda lamaanaha.

Dadka isqaba ee isku faraxsan waxaa ku yaraada diiqada iyo wewelka, hormoonka u qaabilsan stress-ka ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa dhibaatooyin badan.

Cortisol badan oo jirku soo daayo waxay daciifisaa awoodda difaaca jidhka.

Dadka guurka ka daahay waxay u nugul yihiin in stress-ku ku bato taas oo waxyeellayn karta difaaca jidhka.

Caafimaadka maskaxda: Qofka haddii aanu fursad u helin guur, wuxuu la imaan karaa waxyaabo badan oo isla-hadal ama isku-dhex yaac ah taas oo qofka lagu arki karo astaamo tilmaan u ah cadaadiska maskaxda saaran.

Qofka oo guurka ka raaga wuxuu khatar ugu jiraa inuu ku dhaco niyad jab iyo gooni-u-joognimo.

Kansarka: Cilmi baarayaashu waxa sheegeen in gabadha oo yaraanta ku guursata, durbana uur qaadda carruurtana naaska  waqti ku filan ay ka badbaado Kansarka naasaha ee dhaxalka ah.

Gabadha haddii qoyskeedu ay dhaxal u leeyihiin kansarka naasaha oo ay guurka ka Raago waxay khatar ugu jirtaa inuu soo degdego Kansarka naasaha.

Balwad: Guurka oo laga raaga waxay keentaa in dhalinyaradu ay yeeshaan balwado iyagoo ka raadinaya nafis iyo madadaalo, balwadahaas waxaa ka mid ah siigada, qaadka iyo sigaarka.

Xigasho Daryeel Magazine

Leave a Reply