Wasiirka Deegaanka Somaliland oo 50,000 oo Geed kala Wareegtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
412

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa dhir aad u fara badan kala wareegtay xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhirtaasi oo tiradeedu gaadhayso 50,000 oo geed ayaa baabuurtii siday waxay soo gaadheen magaaladda Hargaysa, kuwaasoo ka soo kicitimay magaaladda Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Iyadoo dhirtaasi ay noqonayaan wejigii koowaad ee dhir ay dawladda federaalka Itoobiya qorshaysay in ay gaadhsiiso wadamadda la jaarka ah oo ay Somaliland na ku jirto, si wax looga qabto dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaana dhirtaasi si rasmi ah ugala wareegtay masuuliyiin ka socday xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana wareejinta dhirtaasi dhinaca dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya goob joog ka ahaa wefti uu hogaaminayay wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee DDS Itoobiya Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

Dhirtaasi oo isugu jirta noocyo kala duwan ayaa qayb ka ah hal milyan oo geed oo dawladda Itoobiya hore u balan qaaday in ay ugu deeqayso Somaliland, taasoo qayb ka ah qorshaha Cagaarinta ee uu qaatay dalka Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo ta deegaanka Soomaalida ba uga mahad celisay dhirtaasi ay soo gaadhsiiyeen.

Waxaanay sheegtay wasiirku in 50,000 kun ee geed ay qayb ka yihiin ilaa hal milyan oo geed oo la filayo in ay badhtamaha sanadka soo socda ee 2022-ka soo dhamaystirmaan.

“Run ahaantii, aad iyo aad baanu ugu mahad naqaynaa. Tiradda imika na soo gaadhay waa 50,000 oo geed, oo isugu jira noocyo kala duwan. Intii kalena way daba socotaa.

Waxaan madaxweynaha dawladda federaalka Itoobiya, iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, labadoodaba uga mahad celinaynaa, iyo wasiirrada halkan noogu yimid, iyo bahda deegaanka ee shillinka shanaad ee Itoobiya.

Hal milyan oo geed ayaa la filayaa, in ay ilaa bisha April ee  sanadka soo socda ay na soo gaadhaan” ayay tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Geesta kale wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee DDS Itoobiya Cabdiqaadir Maxamed Xasan, ayaa isna tilmaamay in dhirtani ay Somaliland soo gaadhsiiyeen ay qayb ka tahay qorshihii ay dawladda Itoobiya wadamadda la jaarka ah dhir ku gaadhsiinayso.

Waxaanu yidhi, “Dawladda federaalka Itoobiya, iyo ka dawlad deegaan ahaanba, dhirtaasi waxaanu ugu tallo galnay, si iskaashiga loo sameeyo wadamadda jaarka nala ah. Qorshihii dalku uu qaatay ee Cagaaarinta, ayaa qaybtii u horaysay, aanu caawa halkan ku wareejinaynaa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Guud ahaanna, waa wejigii koowaad ee aanu ugu tallo galnay in lagu Cagaariyo wadamadda jaarka nala ah. Maadaama wadanka Itoobiya uu qaatay, in qorshaha Cagaarinta wadankoo dhan la wada gaadhsiiyo. Shaqaale Cagaaran si loo abuurro, ayaanu ugu tallo galnay, guud ahaanba in wadanka laga fuliyo”.

“Si markaasi ay hawshaasi dalka uga fusho, waa in wadamadda jaarka ahna la gaadhsiiyaa. Arrintaasi si ay iskaashi u noqoto. Waa qorshihii raysal wasaaraha wadanka Itoobiya uu qaatay, anaguna ka dawlad deegaan ahaan, wadamadda deriska nala ah in aanu si buuxda u gaadhsiino dhirtaasi, ayaanu qaadanay” ayuu yidhi  Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

Leave a Reply