“Hammiga Somaliland ee ah inay noqoto Xudunta Ganacsiga Afrika ayaa si Habsami leh u socda.” Wasiir ku xigeenka Ganacsiga

0
419

Nayroobi-(Dawan):- Wasiir-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Muuse Ibraahim Selef ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska DP World iyo CDC keenayo koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur bulsho, isla markaana awood u siinayo Somaliland inay gasho suuqyada dhoofinta iyo silsiladaha caalamiga ah.

Mudane Muuse oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa wareysi uu siiyey wargeyska The Afro Economics khamiistii faahfaahin kaga bixiyey su’aalo laga weydiiyey wuxuu Somaliland u soo kordhinayo heshiis maalgashi ku saabsan dekedaha Afrika oo Shirkada DP World iyo Xafiiska CDC ee Ingiriisku kala saxeexdeen.

Oktoobar 12-keedii, Hay’adda maalgashiga dawladda Ingiriiska, CDC Group ayaa ku dhawaaqday inay iskaashi  kala yeelanayso shirkadda   DP World maalgashi bilow ah si loo casriyeeyo loona ballaadhiyo Dekedda Berbera ee Somaliland. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Muuse Ibraahim Yuusuf oo ku sugan magaalada Nairobi, ayaa FRED OLUOCH uga waramay mashruucan cusub, waxaanay su’aalahii la weydiiyey u dhaceen sidan;

Wasiir ku xigeenka oo la weydiiyey faa’iidada heshiiska DP World iyo CDC, iyo wuxuu ku kordhinayo hawlgaladda Dekedda Berbera,ayuu ku jawaabay, “Go’aanka CDC Group ay kula shuraakoobayso DP World waa mid istiraatiji ah oo $1.7 bilyan, ah waa maal-gelintii ugu weynayd ee hay’addu abid yeelato. Iskaashiga ka dhexeeya CDC Group iyo DP World ayaa diiradda saari doona casriyeynta iyo ballaadhinta dekedaha iyo kaabayaasha saadka ee badda iyo gudahaba, sida aagagga dhaqaale ee gaarka ah, kaydka haamaha konteenarada ee gudaha dalka, iyo kaabayaasha kale ee gaadiidka gudaha.”

Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey maxaa gaar loogu doortay dekedda Berbera ayuu Wasiir-xigeenku ku jawaabay, “Hammiga Somaliland ee ah inay noqoto xudunta ganacsi ee gobolka iyo albaabka laga soo galo Afrika ayaa si habsami leh u socda iyadoo ballaadhinta dekeddu dib ugu soo celinayso khariidadda dekedda taariikhiga ah iyo gacanka Berbera. Maalgelinta kooxda CDC ee DP World ee Berbera waxay gacan ka geysan doontaa dhaqaajinta horumarka aadka loogu baahan yahay Somaliland iyo taageeridda sii socoshada kobaca Itoobiya, taas oo saamayn togan ku yeelan doonta guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Itoobiya waxay si weyn ugu tiirsan tahay dekedda Jabuuti in ka badan 90 boqolkiiba wax soo dejinta iyo dhoofinta laakiin cidhiidhiga ka jira marinkaa ayaa Berbera ka dhigaya mid u tartami karta dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan iyo dalka lixaad ee ugu weyn adduunka.”

Is-kaashigani sidee bay uga faa’iidaysan karaan dadka Somaliland iyo mandaqadaba oo la weydiiyey ayuu sheegay in “Maalgelinta DP World oo dhan $442m oo uu noqday mid isbedel keenay oo ay reer Somaliland si toos ah iyo si dadbanba uga faa’iideen dhinacyada shaqada iyo kor u qaadista tayada adeegyada dekedda. Iyada oo rejada laga qabo is-dhexgalka gobolka iyo kor u kaca ganacsiga Afrika ee qaaradda iyo iskaashiga ay dawladda UK dhawaan la yeelatay AfCFTA — ayaa Ganacsiga iyo ganacsatada Somaliland ee gobolka Geeska Afrika u horseedi doonta fursado ganacsi badan oo isaga gudba xuduudaha, soona jiidan doona maalgashiga aad loogu baahan yahay.”

Mar la weydiiyey inay suurtagal tahay in wada shaqayntii hore ee Somaliland iyo DP World ay ku filnaan wayday, ayuu ku jawaabay, “Markii ay dawladda Somaliland heshiiska dekedda DP World ku siisay 30 sannadood, isla markaana iman karo 10 sanno oo dheeraad ah, waxaanu ku heshiinnay xidhiidh dheer oo xilligan-ba Somaliland uga soo baxeen faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin ballan-qaadyo dheeraad ah oo ka baxsan $442m, ee hore loogu heshiiyey. Wada-shaqeynta cusub ee kooxda CDC ee Masar, Senegal iyo Somaliland waa bog cusub, waxayna horseed u noqon doontaa in Hay’adaha kale ee Horumarinta Maaliyaddu (DFI) ay maalgashadaan Somaliland iyo horumarinta rajada dhaqaale ee muwaadiniinteenna.”

Iskaashigan ka dib, maxaa horumar ah oo laga yaabaa inaynu ku aragno Dekedda Berbera, mase noqon doontaa mid gobolka lagu tartamo oo la weydiiyey, ayuu ku jawaabay, “Bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii shirkadda DP World iyo xukuumadda Somaliland ay go’aan ku gaadheen aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Berbera oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirrada Maaliyadda iyo Gaadiidka iyo saadka ee Itoobiya, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida  Itoobiya, iyo saamaynta Waddada Berbera Corridor, kaabayaasha saadka, maalgashiga balaadhinta dekedaha. DP World waxa kale oo ay qorshaynaysaa in ay balaadhiso wejiga xiga ee terminalka konteenarada kaas oo kordhin doona awooda adeega, kana  dhigaysa Berbera meesha labaad ee ugu wayn Afrika. Berbera Corridor si ay u noqoto mid la tartanta marinka Djibouti, North Corridor (Mombassa) iyo Central Corridor (Dares Salaam) maalgashiga kaabayaasha jilicsan ayaa aad u muhiim ah in la iswaafajiyo kastamka, gaadiidka, iyo hababka gaadiidka oo ay ku jiraan xuduudka Itoobiya ee Togwajaale. Waxaan la shaqeyneynaa deeq-bixiyeyaasha iyo la-hawlgalayaasha horumarinta sida Trade Mark East Africa oo khibrad u leh la shaqeynta waddooyinka dhaqaalaha iyo ganacsiga ee gobolka.”

Soomaaliya ayaa inta badan ka soo horjeesatay in maalgashi dibadda ah lagu sameeyo dekedda Berbera iyadoo aan Muqdisho lagala tashan? Sidaad u aragtaa, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay  “Somaliland iyo Soomaaliya taariikh ahaan waxay ahaayeen laba dal oo si gooni gooni ah xornimadoodii uga qaatay Ingiriiska iyo Talyaanigu. Markii tijaabadii midnimadda lagu guul-darraystay sannadkii 1991-kii, Somaliland waxay si madax-bannaan u shaqaynaysay 30-kii sannadood ee u dambeeyay, iyadoo ay ka dhalatay dawlad ka talisa dhulkeeda iyo biyaheeda oo leh hay’ado dimuqraadi ah oo saddex Madaxweyne ku soo baxeen doorasho hal qof iyo cod iyo xil-wareejin nabad ah. Waxaanu si toos ah ula macaamilnaa beesha caalamka, waxaan u aragnaa sheegashada Soomaaliya ee Somaliland inay tahay riyo dhalanteed ah oo aan xaqiiqo ku dhisnayn. Somaliland waa dal madaxbannaan, oo buuxiyay dhammaan shuruudihii dal madax -bannaan, xitaa haddii aan weli nala siinin aqoonsi caalami ah.”

Gebagebadii oo la weydiiyey sababta beesha caalamku uga warwareegayso aqoonsiga Somaliland muddadaa dheer ayuu ku jawaabay, “Somaliland waxay la soo noqotay madax-banaanideeda 1991-kii, waxaanay soddonkaa sannadood ku tallaabsatay guulo badan oo ay ka mid yihiin nabad iyo xasillooni waarta, doorashooyin dimoqraadi ah iyo xisbiyo badan iyo dib-u-habayn dhaqaale. Somaliland waxay leedahay dastuur u gaar ah waxaana jira wadamo safaarado iyo xafiisyo xidhiidhiya ku leh caasimadda Hargeysa, oo ay ku jirto Kenya oo dhawaanahan jirtay. Waxaanu aaminsannahay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudaha aqoonsiga ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u dhigeen, waxaanan ku kalsoonnahay inaan dhawaan heli doono aqoonsi caalami ah.”

 

 

 

Leave a Reply