Xukuumadda Somaliland oo Daah-furtay Mashruuca Tamarta Afrika oo ay Dawladda Maraykanku Maal-gelinayso

0
388

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda R.T.I ayaa ku dhawaaqay in dalka laga bilaabi doono fulinta mashruuca Power Africa oo ah mid lagu tayeynayo, laguna ballaadhinayo hannaanka Tamarta Korontada Somaliland, kaasoo ah mashruuc heer Gobol iyo mid  qaaraddeed ba ah oo la xidhiidha Iskaashiga iyo is-dhexgalka dhinaca Tamarta ee wadamada Afrika , Isla markaana ay maalgelinayso Hay’adda Dalka Maraykanka u qaabilsan Mucaawimooyinka ee USAID.

Wasiirka Wasaarrada Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Cabdilaahi Faarax Cabdi oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Mukhtar Maxamed Cali, ayaa maalintii khamiista ee dorraad xarunta Wasaaradda ku qaabilay  masuuliyiin ka socda Shirkadda R.T.I oo fulinaysa mashruuca Power Africa.

Masuuliyiinta ka socday Shirkadda R.T.I oo dalka u yimi bilowga fulinta mashruuca lagu kobcinayo adeegyada Tamarta Somaliland ayaa muddo joogi doona dalka, iyagoo bixin doona tababarro la xidhiidha adeeg-bixinta Korontada oo la siin doono Shirkaddaha maamula Korontada dalka iyo laamaha dawliga ah ee doorka ku leh horumarinta Tamarta Qaranka.

Kulanka qaabilaada Weftiga ka socda Shirkadda RTI waxa Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane. Mukhtar Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Liibaan Xaaji Maxamuud Warfaa iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Richard Morison oo ka socday Shirkadda RTI ee Somaliland ka fulinaysa mashruuca Power Africa oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa shaaciyey in si rasmi ah dalka looga bilaabi doono mashruuca, iyadoo laga duulayo heshiisyadii hore loogu ballaysimay barmaamujkan fulintiisa.

“Mashruucu wuxuu quseeyaa horumarinta tamarta waddankeena iyo isku-xidhka wadamada deriskeena sidii loo ballaysimi lahaa ee dhinaca tamarta aynu isugu xidhmi lahayn wadamada deriskeena qaybtiisa hore taas ayay qaabilsan tahay”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Cabdilaahi Faarax Cabdi oo ugu horrayn shirka-jaraa’id ka hadlay.

Mashruucan waxa uu ka koobanyahay laba qaybood, sida uu wasiirku sii sharraxay “qaybta dambena waxay noqonaysaa inay innaga gudaheena (Somaliland) innagala shaqeeyaan horumarinta Tamarteena, hadday tahay farsamo, hadday tahay tayeyn,  aqoon-korodhsi iyo hadday tahay kaabeyaashaba iyo wax kasta oo lagu horumarinayo Tamarta. Tamartu waa dhiigga Dalka  haddaanu Tamar lahayn awood ma yeellanayo, wershado waaweyn ma yeellan karno. markaa mashruucani waa mid aad u wanaagsan”

Richard Morison oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimada mashruucani “mashruucan tamarta Afrika (Power Africa) waa barmaamuj ay maalgeliso Dawladda Maraykanku oo dhinaca adeeg-bixinta tamarta Korontada ah. waxaanu halkan u joognaa sidii aanu Dawladda iyo dadka Somaliland uga taageeri lahayn horumarinta adeeg-bixinta Korontada”ayuu yidhi Sarkaalka u hadlay Shirkadda R.T.I Richard Morison

Mashruuca Tamarta Afrika (Power Africa) ayaa ah barmaamuj lagu horumarinayo is-dhex-galka iyo wadaaga Tamarta ee wadamada Afrika, gaar ahaan dalalka Geeska Afrika, waxaanay ujeedadiisu tahay sidii ay wadamada gobolku isaga kaashan lahaayeen Khayraadka dhanka Tamarta.

 

Leave a Reply