Dhul gariir ayaa laga dareemay  Magaalada Boorama saaka

0
540

Borama (Dawan) Xoghayaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi ayaa Wakaaladda Wararka ee SOLNA u sheegay in gariirkani uu ahaa kii ugu weynaa ee muddo sannado ah soo mara Boorame, waxaanu tilmaamay inuu cabsi badan ku riday shacbiga  Magaalada.

Dhul gariirkan ayaa saaka abaaro toddobadii iyo toddoba minite markii ay saacada geeska Afriki ahayd ku dhuftay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Gariirkan ayaa la sheegay in aan ilaa inta la ogyahay aanu geysan wax khasaare ah, hase ahaatee uu guryo ciid ka soo daadiyey Siliiga Guryaha.

Leave a Reply