Duqa degmada Ceerigaabo oo ka Hadlay bixitaanka Ganacsatadda RRA iyo nuxurka fariin uu bulshada u diray

0
658

Hargeysa (Dawan) Waxa guud ahaanba haawanaya  Suuqayada magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag,  kaddib markii ay magaaladaasi ka huleeleen ganacsatada ka soo jeeda koonfur galbeed  Soomaaliya ee loo yaqaano RRA.

Waxaa maanta ku ekaa muddadii ay xukuumadda Somaliland u qabatay in dadka ka soo jeeda koonfur galbeed  Soomaaliya ay uga baxaan magaaalada Ceerigaabo.

Suuqyada magaalada Ceerigaabo ayaa laga dareemayay xidhnaanshiyaha meherado aad u tiro badan oo ka muuqday waddooyinka hareerahooda, kuwaas oo la sheegay ina y lahaayeen ganacsatada ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana muddooyinkii u danbeeyay ku jiray diyaar garow ay kaga baxayaan gudaha magaalada Ceerigaabo.

Haddaba duqa degmada Ceerigaabo mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa sheegay in ay ganacsatada RRA, ay ka baxeen magaalada Ceerigaabo, isla markaana ay bannaan yihiin goobahoodii ganacsi.

Duqa degmada Ceerigaabo ayaa bulshada ku nool magaalada ugu baaqay in ay guryaha ay ka baxeen ganacsatada RRA ay kiraystaan intaan laga kireysan.“In badan waxa dhagahayaga ku badnaa RRA-ba dalka qabsadayo dawladda hoose ayaa ku haysa nimankii tage anagu kuma hayne.

Weli sandaqadihi ayaad dhisaysaan, sandaqaduhu qorshaha koobaad weeyaan  in la burburiyo haddeerba guryaha kiraysta, hadaad islaam tihiim, haddeerba guryihii waa faaruq.

Guryihii oo faaruqa ayaad sandaqad ku wareerteen ama dhisa ama ha dhisina sandaqadaha waanu qaadaynaa, imikaba waxaa aanu idin leenahay hayska gelinina kharash, waanu qaadayna waanu qaadayna, jidkastana waddo ayaanu marinaynaa, guryaha kiraysta inta aan la idinka kiraysan”

May be an image of road

May be an image of road

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

Leave a Reply