Jawaabta Degdegga ah iyo Fikirka Maskaxda!

0
332

Saxaabiga Xudayfa Binu Yaman aya yidhi waxa ii yeedhay Rasuulka Allah (scw) habeenkii Axsaab, waxaana  uu ii diray inaan soo ogaado ciidankii gaashaanbuurta gaalada warkooda. Waxay ahayd haben qabow oo dabayl badan oo qofn aanu garanayn kan agtiisa fadhiya.  Abu- Sufyaan oo ahaa hogaamiyhii ciidanka  qurashta  ayaa ku yidhi ciidankiisa “ Caawa war ayan idiin sheegayaa , qof kasta kan ag fadhiya ha iska hubiyo inuu yahay basaas iyo in kale”.

 

Xudayfa (rc) aya yidhi anigu markiiba ninkii I ag fadhiyay ayaan kaga horeeyay oo ku bilaabay  waar adigu kumaad ahayd ka dibna isagoo shakisan oo is beri yeelaya ayuu yidhi waxaan ahay in hebel hebel.  Sidaasi ayaan habeenkaasi ku badbaaday hawshaydiina usoo dhamaystay kuna soo noqday Rasuulklka (scw) anigoo nabad qaba una keenay warkii Abu-Sufyaan.

Leave a Reply