Maxkamadda Gobolka Saaxil oo xukun ku riday laba Markab oo Ajinabi ah

0
306

Berbera (Dawan) – Maxkamada Gobolka Saaxiil, ayaa xukun $20,000 oo ganaaxa ku riday laba markab oo nooca taaga loo yaqaano ee maraakiibta soo xidha ah, oo laga leeyahay dalka Togo, kadib markii lagu helay danbi ah in ay biyaha Somaliland si sharci daro ah kusoo galeen.

Garsooraha maxkamadda gobolka Saaxil Cabdisalaan Xaashi Cabdi, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Markii maxkamadda danbigaasi ka hor caddaaday, maxkamaddu waxay ku xukuntay $20,000 oo ganaax ah, sida uu dhigayo xeerka baddaha Somaliland ee sharci number 1989″

Garsoore Xaashi ayaa sheegay in labada taag ay biyaha Somaliland ku soo galeen si sharci daro ah, isla markaana ay qirteen in ay kusoo xad gudbeen biyaha Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Labada markab biyaha Somaliland waxay ku soo galeen ogolaansho la’aan, sidoo kale waxay dhigteen baroosinka, wax wakiil ah oo Somaliland ay ku lahaayeena xilligaa may jirin, waxay qiraal ku yihiin labada eedaysaneba in ay biyaha Somaliland kusoo galeen ogolaansho la aan, balse ay doonayeen in ay wakiil samaystaan”

Xaashi ayaa sheegay in qolada taagaga iska lihii ay maxkamada u sheegen in ay doonayen in ay saldhig ka dhigtaan Berbera, in ay tahay ka soo qaataan iyo in ay shaqaalahooda badalaan.”Sababta ay biyaha Somaliland ugu soo xadgudbeen waxay ku sheegeen 3 sababood oo kala ah, 1: waxaanu doonaynay in aanu biyaha Berbera saldhig ka samaysano, 2: in aanu sahay kasoo qaadano, 3: sidookale, aanu samayno shaqaale badalis”

Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa 9,October, 2021 labadan taag kasoo qabtay iyaga oo gudaha ugu jira biyaha Somaliland waxaana lagu xidhay saldhiga ciidanka badda ee magaalada Berbera.

Leave a Reply