“Waxaa mudnaanta koowaad noo ah wacyigelinta iyadoo aanay weli dadku fahamsanayn muhiimadda ah in noloshoodu ku xidhan tahay deegaanka”…

0
125

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaaddan doonaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo ka warbixisay u jeedooyinka ugu waaweyn ee ay wasaaradaasu qaranka uga masuulka tahay.

Waxyaabaha ay ka qabatay arrimaha u xil saaran tahay, wakhtigii wasaaradaasi la aasaasay, waxyaabaha u qorshaysan in ay mustaqbalka wax ka qabato, caqabadaha haysta, iyo arrimo kale, iyadoo wasiirku marti ku ahayd barnaamijka ‘Maqal Dadkaaga’ ee  18-kii bishii September ee sanadkan ka baxa telefishanka qaranka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa ka warbixisay u jeedooyinka ugu muhiimsan ee loo aasaasay wasaaradaasi iyo waxyaabaha ay ka qabatay arrimaha ilaalinta deegaanka mudadda ay jirtay wasaaradu.

Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay sheegtay in wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga la aasaasay sanadkii 1997-kii, iyadoo mudadaa ay soo socotay markii u horaysayba loo sameeyay xeer deegaanka lagu ilaalinayo.

Wasiirku waxay tilmaantay in wasaaradda ay shaqadeedu tahay ilaalinta iyo daryeelka deegaanka, iyo ilaalinta iyo daryeelka duur joogta, oo ay soo raacdo waaxda horumarinta reer miyiga, isla markaana  ay tahay wasaarad koobsanaysa sidii loo ilaalin lahaa, ee loo dhaqaalayn lahaa deegaanka.

Waxa kaloo ay wasiirku intaas ku dartay in wasaaradda deegaanku markii hore ay ahayd wasaarad soo kabanaysay. Laakiin, imika ay tahay wasaarad Lugaha si fiican isugu taagtay, waxqabadkeeduna uu laban-laaban yahay.

Wasiirka oo ka hadlaysay waxyaabaha ugu waaweyn ee wasaaradda deegaanku qabatay, waxay tidhi “Wasaaradda waxaa la aasaasay sanadkii 1997-kii, mudadaa ay soo socotay markii u horaysayba waxaa loo sameeyay xeer deegaanka lagu ilaalinayo.

Xeerkaasi, xeer aad u kooban, oo aad u yar buu ahaa. Intii ka danbaysay mar ba way soo kabanaysay, oo kor bay u soo kacaysay, anigu imika muddo 8 sanadood ah ayaan joogay. Mudadaa aan joogay wax fara badan baa u qabsoomay.

Wasaaradu xarun bay leedahay, oo gobolka Maroodijeex weeye,  lixda gobol  ee waaweyn na, xarumo ayay ku leedahay, goboladda barigii danbe la magacaabay na xafiisyo way ku leedahay, oo shaqaale ayaa u wada jooga.

Wasaarad ahaan waxay u dhisan tahay sidee ayay u ilaalinaysaa deegaanka? Deegaanku muxuu yahay? Deegaanku khayraad ayuu leeyahay, markaa waa in khayraadkiisa la isticmaalaa. Khayraadkaana aad baa loo isticmaalaa.

Khayraadkaasi aynu isticmaalayno, ee aynu dal ahaan iyo dad ahaanba u isticmaalayno, waxaa loo baahan yahay intii aynu isticmaalnay in aynu soo kabno, oo aynu soo celino.  Sidee ayaynu ugu soo celinaynaa? Waxaynu ilaalinaynaa intaa halkaa ka baxday, ee aynu ka qaadanay, in aynu ku celino.

Ka wasaarad ahaan, waxaa mudnaanta koowaad noo ah wacyigelinta, oo ay isku xidhmaan dadka iyo deegaanku, oo noloshoodii. Waayo? Waxaad moodaa in aanay weli dadku fahamsanayn muhiimadda deegaanka. Bal in aanu dadka wax barno, oo noloshoodii aanu ku xidhno deegaanka. Wasaaradu waa 8 waaxood, laba ayaa imika ku soo kordhaya. Waax kastaaba way shaqaysaa”.

Shukri Baandare, waxa kaloo ay sheegtay in waxyaabaha dhibaatooyinka ku ah dhulka iyo deegaanka ee wakhtigan sida weyn uga jira dalkeenna inuu ka mid yahay nabaad-guurka oo ay tilmaantay in ay sabab u tahay isbedelka cimiladda adduunka ku yimid.

Wasiirka oo arrinataasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Waxaa imika dhulkeena ka jira nabaad-guur, adduunyadoo dhan n aka dhacay, oo cimiladan isbedeshay ay sababtay. Nabaad-guurkaasi faraha badan ee isa soo tarayay, sidee ayaynu u joojinaynaa? Waxaa koow ka ah dhirta. Inagu qani kuma nihin dhirta, waayo? Ma helno roob inagu filan, oo billo kooban inoo da’a.

Khayraadka dhirtu waa ta koowaad mida noo ah. Dhirtu waxyaabo badan ayay inoo qabtaa. Hawadda ayay inoo sifaysaa, xoolaha ayaa inoo daaqa, geedka waa la hadhsadaa, wax allaale iyo waxa noole ahina way ku nool yihiin. Ciidda ama carrada na wuu inoo hayaa.

Iyadoo haddii geedka la jaray, oo uu meesha ka baxo, Ciidiina wax haynayaa ma jiraan, roobkii da’aana wuu qaadayaa Ciidii. Xaalufka ayaanu aad iyo aad u ilaalinaa, dhul daaqsimeedka ayaanu isna aad u ilaalinaa.

Dhul daaqsimeedku wuu kala qaybsan yahay, waxaanu u qaybsan yahay dhul banaan oo seere-kaymeedyo ah, iyo dhul seereyaal isku jira. Sida Geed-deeble oo kale, oo aanu isku ilaalino”.

Geesta kale wasiirka deegaanka Somaliland ayaa intaas raacisay in waxyaabaha kale ee dhibaatadda aadka weyn ku haya deegaanka inuu ka mid yahay xaalufka, kaasoo ay sabab u tahay jarista fara badan ee lagu hayo dhirta Dhuxusha laga shido.

Waxaanay sheegtay wasiirku in ka wasaarad ahaan ay si weyn isugu tacalujiyeen sidii arrinta xaalufka wax looga qaban lahaa, taasoo ay ka mid tahay in la hello tamar kale oo lagu bedello isticmaalka Dhuxusha.

Si loo hello tamartii Dhuxusha lagu bedeli lahaa waxay wasaaradda deeganaku qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ay ka mid tahay in qiimo dhimis iyo cashuur dhaaf loo sameeyo Gaasta cuntadda lagu karsado marka dekadda laga soo dejinayo.

“Xaalufka, waxaa imika dhibaato weyn ku ah dhuxulaysiga. Iyadoo wasaaraduna aad ula dagaalantay Dhuxulaysiga, doontayna ama u raadisay wixii bedeli lahaa Dhuxusha. Sanadkii 2016-kii, aad ayaanu isugu daynay, sidii aanu u heli lahayn wax bedela Dhuxusha.

Dawladda Somaliland si weyn ayay isugu xil qaantay, in la soo dejiyo Gaasta cuntadda lagu karsado, iyo wax kastoo geedka lagu bad-baadinayo, oo Dhuxusha lagu joojinayo. Waxaana cashuur dhaaf loo sameeyay Gaasta ay shirkaduhu soo dejiyaan, marka ay soo gaadho dekadda Berbera.

Taasina waxay ahayd mid anaga naga timid wasaarad ahaan, una bandhignay labadda gole baarlamaan, madaxweynuhuna uu ansixiyay, wasaaradda Maaliyaduna ay si weyn noogala shaqaysay, maantana ay aad isku bedeshay qiimaha Haanta Gaasta ah.

Wakhtigii hore hanta Gaasta ah qiimaheedu wuxuu ahaa $30 dollar. Halka imikana uu yahay $15 ama $17 dollar. Faraq weyn ayaana u dhexeeya, oo sidaa ayuu qiimaheedu hoos ugu dhacay.

Sanadkii u horeeyay ee 2016-kii, Gaasta dalka la keenay waxay ahayd 800, oo Tan oo keliya. Maantana 12000, kun oo Tan ayay maraysaa. Taasina waxay ku tusaysaa in dadku ay isticmaalkeedii barteen, oo ay dadkii talaabo-tallaabo uga wareegayaan dhuxusha, ee lagu bad-baadinayo geedka.

Waxa kaloo iyaguna daba socda in dalka la keenno dhamaanba waxyaabaha Gaasta ah. Shoolahadaha wax lagu karsado iyagna aad baa loo keennaa dalka. Gir-gireyaal iyaguna beekhaamiya Dhuxusha, iyagna way jiraan, oo gacanta lagu sameeyo dalka gudihiisana lagu sameeyo.

Markaa maanta Somaliland gudaheedda waa laga helayaa, waxyaabo lagu bad-baadiyo dhirta la jarayo ee Dhuxusha laga shidayo” ayay tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

 

La soco… qaybaha danbe….

Leave a Reply