Nolosha Wanaagsan Iyo Qoyska Deggan !

0
332

Waa duni aynaan wax badan ka aqoon laakiin yaab iyo amankaag leh. Dalka Hindiya wuxu ku yaalla koonfurta qaaradda Aasiya , waana dalka labaad ee dunida ugu dadka badan. Sanadkii 2013 tiro koobkii ugu danbeeyay ee laga sameeyay ayaa muujiyay in tirada dadkiisu ay tahay 252 ( Laba Bilyan, shanb boqol milyan iyo laba boqol kun). Iyagoo Qiyaas ahaan dadka dunida ku nool ay ka yihiin 17%.  Sidaa darteed dalkani wuxu noqday duni cajiib ah.

Dhinaca kalena Hindiya waxay  tartan kula jirtaa dawladaha dhaqalahoodu sareeyo, wax kasta horumar joogta ah ayuu ka sameeya marka laga rabo heerka ixtiraamka Dumarka oo aad u liita aadna u hooseya, iyadoo kufsiga iyo dilka dumarku uu yahay joogto .

 

Sidaa darteed Hindiya waa dalka keliya ee dunida ku yaalla ee ay ka jirto koox ama guutooyin Dumar ah oo isku xidhan kuna hubaysan qoryo mafiiqo iyo ulo xoogan ah kuwaasi oo ay la dhacaan nin kasta oo ka soo hor yimaadda.

Waa dumar cadhaysan oo xidhan dhar wada cascas, Dariiqyada Hindiya ayay isugu soo baxaan waxayna la dhacaan nin kasta oo ka soo hor baxa ulaha xoogan iyo mafiiqaha xataa ciidanka booliiska ayay iskaga hor yimaadan dariiqyada, Booliiska ayaa iyaguna soo qaata ulo la mid ah kuwa ay sitaan si ay u kala eryaan.

Kooxahana Dumarka ah ayaa ka cabanaya inay cadaadis ku hayaan raggoodu, waxayna dariiqyada u socdaan si nidaamsan,  Waxa ay usha ku garaacayaan nin kasta xataa hadii uu yahay, dumarka ulaha sita qaarkood walaalahood ama inamadooda.  Hindiya ayaa wakhtigan ah dalka dunida sida weyn cadaadis iyo dhibaato loogu hayo dumarka. Kooxaha dumarka ayaa sheegay in aanay joojinayn weerarkaasi ay ku hayaan raga oo dhan, ilaa iyo wadahadal lagu dhameeyo arrinkan oo ay isa soo hor fadhiistaan xubno raggu soo doortay iyo xubno dumarku soo doortay oo laga heshiiyo dhibaatda lagu hayo dumarka.  Guutooyinkan dumarka ah ayaa u habaysan sida ciidanka, waxaana ay leeyihiin hogaamiye iyo dagaal geliye. Guutooyinka dumarka cadhooday waxa ku biira gabadh kasta oo ninkeeda cadaadis kala kulanta..

Leave a Reply