Shan arrimood oo Gabadh kasta aanay u sheegi karin Seygeeda

0
814

Guurku waa muhiim, sababtoo ah waa waxa mideeya nin iyo xaaskiisa isla markaana uu ka bilowdo qoys, wuxuuna wataa barako badan sida carruur iyo qaar kaloo badan.

Maalmahan, qoysas badan ayaa burbura sababo jira awgood, gaar ahaan is fahan waa labada qof ku timaadda.

Dabcan waa in aanay  sir kala qarsan lammaanaha, balse waxaa jira waxyaabo aan habbooneyn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda, si walba oo ay isu jecel yihiin.

Bulshooyin badan oo Afrikaan ah ayaa waxay ku maahmaahaan, haddii aanay dheguhu wax maqleyn, wadnuhu ma cadhoodo. Annaguna haddii aan dooneyno inay nabad ka dhex jirto qoyska waxaa jiri kara caqabado badan, haweeneyduna waxaa laga doonayaa inay ka qeyb qaadato xallinta arrimahaas.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa shan arrimood oo aanay ahayn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda:

  1. Ha kala hadlin inta nin ee aad soo shukaansatay

Waa inaadan seygaaga u sheegin amaba u faahfaahin inta nin ee ay sheeko idinka  dhaxeysay kahor intaydaan is guursan.

XIGASH

Haddii aad arrimahaas kala hadasho una faahfaahiso, isla markaana ay raggaas isaga ka horreeyay aad u badan yihiin, waxaa laga yaabaa inuu kuu qaato qof xun.

Sidaas darteed, haddii uu ku weydiiyo inta rag ee aad la soo sheekeysatay, intaad qososho waxaad tiraahdaa: ”Aan iska deyno hadalka waxaas”.

  1. Inaad ragga kale ka faallooto

Haddii su’aalo lagaa weydiiyo nin, aad ha uga hadlin oo ha uga faalloon.

Ha dhihin waxyaabo seygaaga dareensiin kara inuusan qof fiican ahayn, amaba xumaan dareensiin kara.

Haku oran – inaad jeclaan lahayd inaad guursato ninkaas taajirka ah amaba waxyaabo uu ku fiican yahay aad ninkaaga uga sheekeyso.

  1. Hakala hadlin ninkaaga inaad ka heshay wiil aad asxaab tihiin amaba dumaashigaa

Dhammaanteen waynu ognahay in haddii aad xaas tahay aadan wax dan ah ka lahayn wiil aad asxaab tihiin amaba dumaashigaa.

Balse, waa halis inaad uga faallooto seygaaga. Sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ninkaagu ka shakiyo dabeecadaha nimanka aad asxaabta tihiin uuna aad ula socdo, taas oo guurkaaga burburin karta.

  1. Ha isku dayin oo haku oran waan necbahay hooyadaa iyo qoyskaaga

Si walba oo ay soddohdaa u xun tahay, haku oran seygaaga inaad hooyadii neceb tahay, amaba qoyskiisa. Si walba oo aad u xanaaqsan tahay, ha isku dayin inaad wax xun ka sheegto, amaba aad u aragto inuu seygaagu inuu iyagu la jiro.

Haddii aaan is dabeecad fahmeyn qoyska seygaaga, si deggan ugu sheeg ninkaaga, si uu u fahmo waxyaabaha aad diiddan tahay.

Seygaaga ayaa kaa caawin kara inuu arrinta kula xalliyo, waxayna taas ka hortagi kartaa arrimo sababi lahaa dhibaatooyin kale oo halis ah.

  1. Haku oran seygaaga inaad dooneyso in qoysku burburo

Maalinta aad seygaaga u sheegto inaadan dooneyn inuu qoysku sii dhisnaado marka uu muran idiin dhex maro, waa maalinta ay sii badaneyso dhibaatada idin dhex taalla.

Dhib badan ayaa qoyskiinna ku imaanaya, muran iyo is aaminaad darro.

Inaad furriin ku hanjabto waxay ka dhigan tahay inaadan ku qanacsaneyn guurka. Haddii aysan jirin dhibaato aad u weyn, waxaa fiican in si wada jir ah looga shaqeeyo xallinta dhibaatooyinka idinku yimaada

Leave a Reply