Filmka Hindiga ah ee Jabuuti ku saabsan

0
508

Filim Hindi ah oo isugu jira sheeko jaceyl, dagaal iyo tahriibin, oo lagu jilayo dalka Jabuuti, ayaa la filayaa in la baahiyo 10-ka bisha December ee sannadkan.

Soo saaraha filimkan, oo ka mid ah jilaayada, Amith Chakalakkal, oo la hadlay warbaahinta Times of India, wuxuu sheegay in “sheekada ay tahay mid jaceyl oo ka dhexeysa laba dal oo qurux badan – Hindiya iyo Jabuuti”.

“Filimka wuxuu sidoo kale sharaxayaa dhibaatada uu qof wajihi karo haddii uu aado dal shisheeye. Waa jaceyl, arrimo qoys iyo dagaal. Balse waxa isoo jiitay waa in sheekadan ay tahay mid dhab ah”.

Filimkan wuxuu ka hadlayaa laba qof oo saaxiibbo ah ka dibna u safray dalka Jabuuti iyo waxyaabihii ay la kulmeen.

Sidoo kale, waxaa filimka looga hadlayaa tahriibinta dadka. Geesiga filimkan waa Shakun Jaswal inkastoo Amith uu yahay jilaaga koobaad.

Amit Chakkalakkal oo hoggaanka u ah filimka ayaa lagu tilmaamay in uu ka mid yahay jilaayada soo koraya hadda ee ugu wanaagsan Hindiya

“Iyadoo la eegaya xaaladihii iyo qalabkii la adeegsaday iyo cimilada goobta lagu jilay filimka, iyo xaalado kale oo adag, haddana waxaan aad ugu kalsoonahay in Amith uu ka soo baxay kaalintiisa”, ayuu yiri Sinu oo ka mid ah soo saareyaasha.

XIGASHA

SJ Sinu oo ah ninka qaabilsan qeybta soo saarista filimka wuxuu sheegay: “Inagoo eegeyna dadka ay sheekada ku saabsan tahay, waxaan dareennay in ay haboontahay in filimka lagu jilo Meesha ay qisada dhabta ah ka dhacday.”

“Haddaba Jabuuti iskama aynaan xulanin,” ayuu yiri.

Filimkan Djibouti waxaa jilliinkiisa la billaabay xilli dunida uu dhibaato ba’an ku hayay xanuunka COVID-19. Balse arrinta caawisay waxay ahayd in dalka lagu sameeyay aysan xannibaad adag ka jirin iyo xanuunka oo aan si adag u saameynin, sida ay sheegeen soo saareyaasha.

Si gaar ah waxaa filimka lagu sameeyay deegaan lagu magacaabo Tadjoura, oo ku yaalla Jabuuti.

XIGASHADA SAWIRKA,GOODWILL/MILES & BLUE HILL

Waxaa dhowaan la baahiyay qeybta xayaysiiska filimkan ay jilayaan atooreyaal iyo dad kale oo Hindi ah, ayna qeyb ka yihiin dad Jabuuti u dhashay.

“Hadda, waxaan ku sii soconaa in shaashadaha waaweyn laga baahiyo filimka. Weli ma go’aansanin in hab dijitaal ah aan u baahino. Waxaan sidoo kale go’aansanay in aan la sii baahinin filimka bisha November”, ayuu yiri mid ka mid ah soo saareyaasha oo la hadlay Warbaahinta The Prime Time.

 

Leave a Reply