Dagaalkii Cuba: Maalmihii dunida ay qarka u saarneyd in lagu garaaco hubka nukliyerka

0
567

Mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo dul mareysay markab uu la lahaa Midowgii Soviet-ka xilliggii dagaalkii Cuba

Dalka Cuba, waxaa bisha October ka dhaca dabaaldegyo badan oo ku saabsan dagaalkii xurnimo-doonka iyo ‘halyaayadii’ uga dhintay dagaalkaas. Dadkii ka dhintay qaarkood oo saraakiil sare ahaa, waxaa la aaminsan yahay in CIA-da Mareykanka ay dileen.

Sannadkii la soo dhaafay, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump wuxuu la kulmay koox hore uga qeybgashay dagaalkii ka dhacay jasiiradda Cuba, waxaanu khudbad uu u jeediyay ku sheegay in uu qaddarinayo kooxdaas ka qeyb gashay howlgalkii la odhan jiray ‘Bay of Pigs’.

Haddaba, muxuu ahaa howlgalkan horseeday halista weyn oo dhanka nukliyeerka ah, xilliggii uu socday dagaalkii qaboobaa, kaas oo sababay in dunida ay ku dhawaatay in ay dhacaan weeraro hubka Nukliyerka la isu adeegsado.

Bishii Oktoobar ee sannadkii 1962-dii, waxaa bilowday dagaalkii Cuba, waana meesha ay sida weyn uga taagneyd xiisadda dagaalkii qaboobaa, waxayna u muuqatay in dunida uu ka dhici karay dagaalka 13 maalmood qaata oo la isku adeegsado hubka nukliyerka.

Hor-dhaca

Jasiiradda Cuba waxay 90 Miles u jirtaa xeebaha gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sanadkii 1959-kii Cuba waxay xiriir dhaw la yeelatay Mareykanka xilligii uu hogaaminayay jasiiraddaas maamulkii garabka midig ee diktaatooriga ahaa ee uu horkacayay Jeneraal Batista. Mareykanka wuxuu maalgeliyay Cuba, Mareykanka wuxuu ahaa macmiilka ugu weyn ee soo dhoofsan jiray wax soo saarka Cuba sida sigaarka iyo sokorta.

Sanadkii 1959-kii, Janaraal Batista waxaa xilka looga tuuray kacdoonkii uu hogaaminayay Fidel Castro, Castro wuxuu doonayay in uu heshiis la galo Mareykanka balse waxaa ku gacan seeray madaxweynihii xilliggaas ee Mareykanka Eisenhower.

 

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xilli Castro uu ku sugnaa xafiiska Qaramada Midoobey ee New York, wuxuu la hadlay xubno matalayay Midowgii Soviet kuwaas oo taageeray dowladdiisa cusub.

Castro ma uusan heysan nidaamkii shuuciyadda wixii ka horreeyay sanadkii 1960-kii, waxaana nidaamkan kusoo biiriyey hogaamiyihii Midowgii Soviet, Khrushchev oo ay saaxibo ahaayeen.

Castro wuxuu qarameeyay dhammaan shirkadihii Mareykanka uu ku lahaa Cuba, wuxuuna diiday in uu bixiyo lacago magdhaw ah.

Dareenkii Mareykanka ee ku aadanaa kacdoonkii Cuba

Mareykanka wuxuu qaaday tallaabooyinka soo socda.

Cunaqabateyn dhanka ganacsiga ah: Mareykanka wuxuu cunaqabateyn kusoo rogay soo dhoofsiga badeecadihii uga imaan jiray dhinaca Cuba sida Sigaarka iyo sokorta.

 

Howlgalkii la oran jiray Bay of Pigs: bishii April sanadkii 1961-kii, durbadiiba markii xilka loo dhaariyay madaxweynihii Mareykanka John F. Kennedy wuxuu ansixiyay qorshe lagu weerarayo Cuba isla markaana lagu afgembinayo xukuumadda.

 

XIGASHADA S

Madaxweyne Kennedy wuxuu durbadiiba ka laabtay ballan qaad uu u sameeyay kooxihii kasoo horjeeday dowladda Cuba, ballanaqaadkaas oo ahaa in ciidamada cirka ee Mareykanka ay taageeri doonaan, waxay arrintaas horseeday in jabhadihii la jebiyo, waxaana dagaalka kaga hor yimid 20,000 oo ka tirsan ciidamada Cuba oo hubeysnaa, waxaana la dilay ama la xiray jabhadahaas.

Markii lagu guuldareystay howlgalkaas, waxay arrintaas awood u yeeshay Castro oo heshiis dhanka ah la galay hubka ah midowgii Soviet si dalkiisa uu uga hortaggo duullaankii Washington ay ku dooneysay in ay ku inqilaabto xuukumaaddii shuuciga aheyd ee uu hogaaminayay Castro. Cuba waxay xiliggaas noqotay dowlad leh awood militari oo xooggan.

 

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

14-kii bishii Oktoobar sanadkii 1962-dii, diyaarad howlo basaasnimo ah ka waday gudaha Cuba ayaa soo ogaatay in Soviet-ka uu saldhiga laga soo gano gantaallada ka sameysanayo halkaas.

Khubarrada waxay sheegeen in saldhiggaas uu howlgeli doono muddo 7 maalmood gudahood, dhinaca kale, diyaarad kale uu Mareykanka leeyahay oo howlo basaasnimo ka waday Cuba ayaa soo ogaatay 20 maraakiib ah oo ay leeyihiin Midowgii Soviet oo siday hubka Nukliyerka xilli ay marayeen badda Atlantic kuwaas oo ku wajahnaa jasiiradda Cuba.

Cuba waxay 90 mile oo kaliya ah u jirtaa xeebaha gobolka Florida ee Mareykanka, waxay ka dhigan tahay in magaalooyinka kale Mareykanka Washington DC iyo New York ay gaari kareen gantaallada, nolosha 80 malyan oo qof oo Amerikaan ah ayaa halis ku jirtay.

 Mowqfkii Midowgii Soviet

Midowgii Soviet waxay doonayeen inay ka miro dhaliyaan dhowr qosrhe.

Arrinta gantaallada: Hogaamiyihii Midowgii Soviet, Khrushchev wuxuu ogaa in Mareykanka uu heysto gantaallada nukliyerka ee riddadada dheer iyo kuwa dhexe kuwaas uu ku beegsanayo saldhigyada Soviet-ka uu ku lahaa Turkiga, Khrushchev wuxuu doonayay waddo looga wada xaajoonayo arrinta Berlin.

Siyaasadda gudaha: Hogaamiyihii Midowgii Soviet, Khrushchev wuxuu doonayay in uu xoojiyo awooddiisa siyaasadeed si u tuso Mareykanka in dowladdiisa ay awood leedahay.

Ilaalinta Cuba: Khrushchev wuxuu doonayay in uu taageero dowladda cusub ee shuuciga ah si uu u xaqiijiyo in Mareykanka uusan isku dayi karin in uu fuliyo howlgallo sida howlgalkii ‘Bay of Pigs’ ee uu ku doonayay in lagu afgembiyo Castro.

Xaaladdii Kennedy

Kaddib markii uu wadahadallo la yeeshay koox ka tirsan la taliyeyaashiisa, madaxweynihii Mareykanka Kennedy, waxaa uu qaaday tallaabooyin dhowr ah si uu uga hortaggo halista Soviet-ka ee gudaha Cuba:

 

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

-Wax dan ah yaanan laga gelin gantaallada.

-In lala xiriiro Qaramada Midoobey.

-In la qabsado Cuba.

-In la qaado dagaal dhulka iyo cirka ah.

Dhammaan, tallaabooyinkaas Kennedy wuxuu u muuqday qof doonayay in dagaalka uu isku baddalin mid laisku adeegsado Nukliyerka.

Go’aankii ugu danbeeyay wuxuu ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah Cuba taas oo hor istaagi karto in hubkii Soviet-ka uu gaaro Cuba si loo helo wakhti wada xaajood lagula galayo Midowgii Soviet.

Natiijada qalalaasihii Cuba

Qalalaasahaas waxaa ka dhashay natiijooyinkan soo socdo.

Hogaamiyihii Midowigii Soviet waxaa uu suurogashay in uu badbaadiyo nidaamkii shuuciga ahaa ee ka jiray Cuba kaddib dullaankii Mareykanka.

 

Madaxweynihii Mareykanka iyo hogaamiyihii Midowgii Soviet oo ku kulmay magaalada Vienna

Wuxuu heshiis la galay Mareykanka si Turkiga looga qaado gantaalkii la oran jiray Jupiter.

Mareykanka iyo Midowgii Soviet waxay isku waafaqeen inay yeelan doonaan xiriir kasta oo lagu xallin karayo haddii colaad ay ka dhacdo gobolka.

Mareykanka iyo Midowgii Soviet waxay ogaadeen in dunida ay qarka u saarneyd in uu ka dhaco dagaal dhanka nukliyeerka ah waxayna markii danbe galeen heshiis sanadkii 1963-dii kaas oo lagu soo afjarayo tijaabinta hubka nukliyerka

 

Leave a Reply