Baahinta Idaacada FM-ta Radio Hargeysa oo laga daah-furay Berbera

0
477

“waxa si fiican looga dhegeysan karaa 50KM oo isku-wareeg ah, Mowjada 89.7”
Qore. Saleeban Kalshaale

Berbera(Dawan)-Idaacada FM-ta Radio Hargeysa, ayaa maanta laga daah-furay Magaalada Berbera ee caasimada Gobolka Saaxil, taasoo laga dhegeysan doono gudaha Magaaladaasi iyo nawaaxigeeda oo ah masaafo dhan Konton Kilomiter oo isku-wareeg ah.

Idaacada Qur’aanka Kariimka ah oo qudha ayaa dhinaca FM-ta laga dhegaysan jiray Magaaladaasi. hase yeeshee dhamaystirka baahinta cusub ee Idaacada Qaranka ee Barmaamujyada Radio Hargeysa waxay bulshada Magaaladaasi ku dhaqani fursad u helayaan inay dhegeystaan qaybaha kala ee Idaacada, iyadoo qayb ka ah qorshe baahinta Idaacada Radio Hargeysa lagu gaadhsiinayo gobolada dalka oo dhan, gaar ahaan qaybta FM-ta.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi, Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta ee Gobolka Saaxil Cabdisalaan Xariir Sh. Cismaan iyo Khubarro ka socda wasaaraddaasi, ayaa ka qaybgalay munaasibad kooban oo lagu shaacinayey daah-furka baahinta FM-ta Magaalada Berbera ee Radio Hargeysa.

Cabdisalaan Xariir Sh. Cismaan Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay muddo socotay hawsha rakibaada iyo diyaarinta Idaacada FM-ta ee Radio Hargaysa, waxaanu u mahad naqay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi.
Isuduwuhu waxa uu tilmaamay “wakhti dheer ayaanu ku taamaynay dadka reer Saaxil helaan dhegeysiga Idaacada Radio Hargeysa”ayuu yidh Cabdisalaan.
Idaacada FM-ta Radio Hargeysa ee Magaalada Berbera ayaa ka soo geli doonta mawjadda 89.7 oo ah tan ay Hargeysa kaga hadasho, taasoo ka dhigan inay toos ugu xidhan tahay baahinta Hargeysa
“waxa si fiican looga dhegeysan karaa 50KM oo isku-wareeg ah, Mowjada 89.7″ayuu yidhi Cabdilaahi Aadan Maxamed oo hogaaminayey farsamo yaqaannada rakibayey Idaacada oo intaasi ku daray inay hawshan fududeynteeda ka qayb-qaadatay Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi ayaa dhankiisa sheegay inay bulshada gobolka iyo Magaalada Berbera baahi weyn u qabeen dhegaysiga Idaacaddan, waxaaanu talaabadan uga mahad-celiyey Xukuumadda, gaar ahaan madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta oo balaadhinta baahinta Radio Hargeysa iyo qalabka kale ee Warbaahinta Qaranka xil-weyn iska saaray.
“Waxaan u mahadnaqayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo dedaal weyn ka galay sidii Idaacada radio hargeysa looga dhegaysan lahaa halkan Magaalada Berbera iyo guud ahaan dalkaba oo intii badnayd hirgashay”ayuu yidhi Dr. Axmed Maxamed Xaashi Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
FM-ta Radio Hargeysa, ayaa laga hirgeliyey inta badan Magaalooyinka waaweyn ee Dalka, taasoo guul weyn u ah Qaranka inay bulshadu si fudud u hesho wararka iyo barmaamujyada ka baxa qalabka Warbaahinta Dawladda.

 

Leave a Reply