Qisada Maalqabeen Dawarada ka Taajirtay oo Darxumo iyo Gaajo u Dhimatay!

0
422

Qaybta: 1aad

Inta badan dadka dawarsada waxa ay inoo muujiyaan muuqaalo iyo xaalado kala duwan. Qaarkood waxa ay muujiyaan inay naafo yihin, kuwa kalena waxa ay iska dhigaan inay maskax ahaan u dhibaataysan yihiin ( maraan).

Qayb kalena waxa ay muujiyaan inay bukaan, oo xanuun halis ahi uu hayo, kuwaasi oo soo qaata waraaqo ay sheegaan in dawo loogu qoray oo ay u baahan yihiin kaalmo.

Waxa jira kuwo iyaguna xaragoonaya oo sheegaya in lacagtii ay haysteen shandadii ay ku jirtay laga xaday iyagoo safar ah, isla markaana aanay hadda haysan haba yaraatee wax  sahay iyo nooli ah.

Dhamaantood waxa ay ka midaysan yihiin weedhaha dareenka dadka taabanaya, iyo muuqaalka jidh ahaan ka muuqda.

Dad badan ayaa aaminsan inay dadka dawarsadaa ay yihiin kuwo tabaalaysan oo u baahan kaalmo iyo waxtar. Laakiin marka aad maqaalkan akhrido xaqiiq waxa badan ayaa iska kaa bedeli doona.

 

Dawarsigu waa shaqo ganacsi wakhtigan aynu joogno oo aan u baahnayn shahaado jaamacad, waayo aragnimo iyo xataa raasamaal lagu furo ganacsi.

Waxa ay urursadaan sanad kasta hanti badan iyagoo si fudud u noqda maalqabeeno.

 

Gabadha Faadumo Maxamed Cismaan oo dhalatay sanadkii 1965, waxa ay ahayd mid qabata baahiyaha gaarka ah, taas oo ay u haysatay kaadh cadaynaya arinkaasi.

Gabadhan waxa ay  nolosheeda ku qaadatay dawarsiga iyadoo bilowday markii ay da’deedu ahayd 13 sano. Dawarsiga waxa ay uga faa’iidaysatay naafinimada jidheed ee ka muuqatay gacamaheeda.

Fadumo waxa hoy iyo guri u ahayd  gaadhi Marshandiis ah oo dug ah oo lagu tuuray darqiiqa Awsaac ee xaafadda Basdda ee magaalada Bayruut caasimadda dalka Labnaan.

 

Goobtaasi ayay ku noolayd sanado badan, iyadoo gurigeeda rasmiga ah ka dhigatay.  Waxa ay fadhiisan jirtay dariiqa saacado badan oo maalintii ah, iyadoo dawarsanaysa bulshada lacagta ay ka hesho waxba kama bedeli jirin nolosheeda.

Waxa ay raashin ka dhigan jirtay cunto liidata , dharkeeduna waxa uu ahaa mid hun ah oo wasakh badan. Muuqaalkeeda ayaa qof kasta ku riixiyay inuu kaalmeeyo oo aanu dhaafin.

Qofna uma ay sheegi jirin waxa ay ka hesho , waana ay qarin jirtay. Xaaladda nolosheedu isma bedeli  jirin si kasta oo ay lacag badan u hesho, oo dakhligeeduna u bato.

Maalmuuhu waa isugu mid haddii ay boqolaal qof caawiyaan iyo hadday kumanaan gaadhaan. Muuqaalka ka muuqda, da’deeda iyo sida dharkeeda qofka arkaa waa u naxariisan jiray.

Faadumo muddo marka ay joogto waxa ay u tegi jirtay qoyskeeda oo degenaa magaalada Caynu Dahab ee gobolka Cakaar si ay halkaasi ugu soo maydhato, waxaana ay la joogi jirtay muddo kooban.

Madaama ay caado u lahayd dawarada waxa ay dareemaysay gaajo iyo saboolnimo adag, waxaana ay qoyskeeda weydiisan jirtay inay caawiyaan oo wax taraan madaama ay baahi weyni hayso.

Qoyskeedu awood ay wax ku taraan ma lahayn waayo iyaguna waxa ay ahaayeen kuwo sabool ah sideeda.

Laakiin waxa ay usoo jeediyeen inay iyaga la joogto si ay wax ula qabto, laakiin arintaasi waa ay diiday iyadoo ka doorbiday inay hawsheeda dawarada iska sii wadato. Goobtii dawarada ayay ku noqotay, mana ay joojin ilaa da’deedu gaaadhay 52 sano.

Faadumo wakhtigaasi waxa ku bilowoday xanuun laakiin marnaba isma ay dawayn, maxaa yeelay may rabin inay ku bixiso hal doller oo ku soo galay si adag caafimaadkeeda.

Xanuunka haya awgeed waxa ay dib ugu noqotay qoyskeeda si ay ugu soo maydhato sidii ay caadada u lahayd.  Walaaladeed waxa ay ogaadeen xanuunka haya waxaana ay usoo jeediyeen inay Isbitaalka deegaanka la geeyo , inkasta oo ay diiday arinkaasi iyadoo ka cabsi qabtay in lacagta dawada iyo dhakhtarka la weydiiyo.

Muddoo yar ka dibna waxa ay ku noqotay gurigeedii ahaa gaadhiga daxalaystay ee dariiqa lagu tuuray, iyadoo ka baxsanaysa in walaaleed ay geeyaan Isbitaalka…… Al-carabiya.com  ( Turjumadda Haybe)

 

Leave a Reply