Raysal-wasaare Geerideeda ka hadashay maalintii Xigtayna la Dilay

0
426

Shalay  oo kale, 31-kii bishii October ee sanadkii 1984-kii, Raysal-wasaarihii hore ee Hindiya Indira Gandhi ayaa ku dhimatay dhacdo lama filaan ah kaddib markii ay dileen waardiyeyaasheedii khaaska ahaa.

Xasuus badan oo ku saabsan Indira ayaa ku duugan magaalada Bhubaneswar ee caasimadda u ah gobolka Odisha ee dalka Hindiya.

Waa isla magaaladii uu 1964-kii ku xanuunsaday kuna geeriyooday aabeheed, Pandit Jawaharlal Nehru, oo ahaa Raysal-wasaarihii ugu horreeyay ee Hindiya.

Isla magaaladan, sanadkii 1967-kii xilli ay ka qayb galeysay isusoobax qayb ka ah ololaha doorashada, qof ayaa Indira Gandhi ku soo tuuray dhagax, waxanu ka jabiyay sanka.

Laakiin intaasoo dhan wax kasii yaab badan ayaa dhacay.

Khudbad ay Indira Gandhi ka jeedisay isusoo bax doorasho galabtii ay taariikhdu ku beegneyd 30-kii bishii October 1984-kii waxay ahayd khudbad caadi ah oo usoo diyaariyay la-taliyaheeda dhinaca xidhiidhka bulshada, Y Sharda.

Balse Ndira si lama filaan ah ayay mar qudha uga baxday mowduucii khudbadda, qoraalkii loo soo diyaariyayna way iska dhigtay.

Indira Gandhi waxay tidhi: “Maanta halkan ayaan joogaa, barri inaanan joogin ayaa laga yaabaa. Waxba igama galin haddii aan joogo iyo haddii kale. Nolol dheer waan soo qaatay. Waxaan ku faraxsanahay inaan nolosheyda oo dhan ku bixiyay u adeegidda dadka. Sidaas ayaan sii wadi doonaa illaa neefteyda ugu dambeysa ay ka baxdo. Marka aan dhintana, dhibic kasta oo ka mid ah dhiiggeyga waxay awood u yeeleysaa Hindiya.”

Mararka qaar hadalka afka kasoo baxa waxa uu si lama filaan ah ugu aadaa dhacdooyin lama filaan ah.

Markii ay khudbadda dhammeysay, waxay tagtay guriga badhasaabke ee Bhubaneswar, oo markaas ahaa Vishambharnath Pandey, wuxuuna ku yidhi: “Maanta waad i argagax galisay markaad ka hadashay dhimashadaada qalalaasaha ah.”

Indira Gandhi waxay markaas u sheegtay inay si daacad ah u hadleysay.

Markii ay habeenkaas Gandhi ku laabatay Delhi, aad bay u daallaneyd. Hurdo fiican may helin habeenkaas.

Sonia Gandhi, oo jiiftay qolka hore ayaa soo kacday afartii habeennimo waabariga ka hor si ay usoo qaadato qalabkeeda neefta. Indira Gandhi way soo jeeday waqtigaas.

Sonia Gandhi waxay buuggeeda “Rajiv” ku qortay in Indira Gandhi ay sidoo kale usoo raacday si ay ula raadiso dawada.

Waxay ku tidhi Sonia: Haddii aad xanuun dareento ii dhawaaq kaliya, waan soo jeedaa.”

 

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Quraac fudud

Saacaddu markii ay ahayd hal saac iyo badh subaxnimo, Indira Gandhi diyaar bay ahayd. Maalintaas waxay xidhneyd sari jaalle ah iyo garbasaar madoow.

Isla maalintaas waxaa u ballansanaa Peter Estuna oo sameynayay dokumintari ku saabsan Indira Gandhi, maalintaas maalintii ka horreysayna waxa uu Indira ka duubayay muuqaal.

Galabtii waxa uu qorshuhu ahaa inay  la kulanto Raysal-wasaarihii hore James Callaghaniyo hoggaamiyaha siyaasadda ee ka socday gobolka Mizoram, maqribnimadiina waxay qorsheyneysay inay marti geliso Princess Anne oo ka tirsan qoyska boqortooyada Ingiriiska.

Maalintaas quraac ahaan waxaa loogu talo galay cunto fudud, sida roodhi la dubay, beed iyo liin la miiray oon biyo lagu darin.

Quraacdii kaddib, markii uu yimid qofkii wajiga waxyaabaha la isku qurxiyo u marinayay, dhakhtarkeeda Mathur ayaa ugu yimi si uu u arko. Maalin walba wakhtigaasoo kale ayuu u iman jiray.

Xitaa Dr Mathur gudaha ayay ugu yeedhay wayna la hadashay.

Waxay sidoo kale ku maadeysatay madaxweynihii Mareykanka Ronald Reagan oo isagoo 80 ah marsan jiray bootarka la isku qurxiyo.

Markii ay Indira timid 9:10 am, qorraxdii quruxda badneyd ayaa soo iftiintay.

 

XIGASHADA SAWIRKA,GETTYIMAGES

Askari lagu magacaabayay Narayan Singh ayaa ku dul waday dallad madow, si uu qoraxda uga celiyo.

Dhowr tallaabo waxaa ka dambeeyay RK Dhawan, oo ahaa hoggaaniye siyaasadeed muhiim u ah Congress-ka, isagana waxaa waxoogaa  yar kasii dambeeyay Nathu Ram, oo ahaa shaqaalaha khaaska ah ee Indira Gandhi.

Dhinaca dambe waxaa jiray waardiyaheeda amniga, Rameshwar Dayal.

Markii ay Indira gaadhay albaabkii xafiiska guriga Raysal-aasaaraha oo ku yaalla 1 Akbar Road, waxay la hadleysay RK Dhawan.

Dhawaan waxa uu u sheegayay in sida ay ku amartay Ndira lafteeda uu farriin u diray madaxweyne Giani Zail Singh oo soo booqanayay inuu kasoo dago Delhi saacaddu marka ay tahay 7 pm si markaas ay suuragal u noqoto in garoonka diyaaradaha lagu salaamo.

Mar qudha waxaa si lama filaan ah qori rasaas ku jirto u qabsaday Beant Singh wuxuuna ku jeediyay Indira Gandhi. Waxa uu rasaas kaga dhuftay caloosha.

Indira waxay gacanteeda ku beegtay wajiga si ay u badbaadsato balse Beant ayaa laba xabadood oo kale ku dhuftay.

Rasaastii waxay Indira kaga dhacday kilkilada, xabadka iyo dhabarka.

Shan tallaabo meel u jirta waxaa taagnaa Satwant Singh oo heystay qori nooca darandoorriga u dhaca ah, oo isagana ka mid ah ilaaladeeda khaaska ah.

Markii uu arkay Indira oo sii dhaceysa wuu naxay manuu dhaqdhaqaaqin. Kaddib Bennet ayaa ku qeyliyay “toogo”.

Satwan kaddib wuxuu ku furay dhammaan 25-kii xabadood ee ku jiray qorigiisa, kuwaasoo uu dhammaantood ku dhuftay Indira jidhkeeda.

Muddo ayay qaadatay in cisbitaalka loola cararo illaa ay ka dhiig baxdo. Cisbitaalka markii la geeyay waxaa la xaqiijiyay inay geeriyootay.

 

XIGASHADA SAWIRKA,GETTYIMAGES

Geerida Indira Gandhi waxaa la shaaciyay abaare 2:32 am, oo ahayd afar saacadood kaddib markii ay toogteen ilaaladeeda khaaska ah.

Laakiin warbaahinta dowladdu way ka gaabsadeen inay warkaas tabiyaan illaa galinkii dmabe ee maalintii xigtay.

Indira Malhotra oo wax ka qorta taariikhda Indira Gandhi ayaa sheegtay in hay’adaha sirdoonka Hindiya ay ka digeen inuu weerar noocaasoo kale ah dhici karo laguna bartilmaameedsan karo Indra Gandhi.

Ragga dilka Ra’iisul Wasaaraha fuliyay ayaa sheegay inay ka aargoosanayeen howlgal ay amar ku bixisay oo ka dhan ahaa bulshada Sikh.

Mid ka mid ah ragga dilkeeda fuliyay waxa uu codsaday in meel u dhow musqusha la istaajiyo maadaama sida uu sheegayay ay caloosha xanuuneysay.

Sidaas darteed Beant iyo Satwant Singh waxaa si wadajir ah loo istaajiyay meesha u dhow musqusha, halkaasna waxay ka heleen fursad.

S

Illaa markiiba labadii askari ee kala ahaa Beant Singh iyo Satwant Singh way is dhiibeen. “Waxaan sameynay wax waajib nagu ahaa, hadda nagu sameeya waxaad rabtaan,” ayuu yidhi Beant Singh.

Waardiyeyaashii kale ayaa labadoodaba u kaxeeyay qol lagu soo xidhay balse islamarkiiba halkaas ayaa toogasho loogu dilay Beant.

Nin kale oo lagu magacaabo Kehar Singh ayaa markii dambe loo soo xidhay arrimo ku saabsan kiiskan.

Satwant iyo Kehar labadaba waxaa lagu riday xukun dil ah, waxaana lagu daldalay xabsiga Tihar ee magaalada Delhi.

Leave a Reply