Somaliland oo Itoobiya Kala Wareegtay Konton Kun oo Geed oo Qayb Ka ah Mashruuca Cagaarrinta ee Aby Axmed

0
769

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa dawladda federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay jamhuuriyadda Somaliland ku caawinayso dhir gaadhaysa hal milyan oo geed oo noocyo kala duwan isugu jira.

Tallaabadaasi ayaa qayb ka ah qorshe ay horaantii sanadkan dawladda Itoobiya ku dhawaaqday oo ahaa in ay dalalka Geesta Afrika ku caawinayso malaayiin dhir ah, si wax looga qabto isbedelka cimiladda adduunka.

Dhirtaasi ayaan qayb ka ah barnaamijka loogu magic daray cagaarinta  (Green Legacy) oo uu hindisay Raysal Wasaaraha dawladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed.

Dhirtaasi ay Itoobiya ugu deeqday Somaliland ayaa loo soo marsiiyay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo magaaladda Jigjiga ay u tegeen sidii ay dhirtaasi ula soo wareegi lahaayeen wefti ay hogaaminayso wasiirka deegaanka Somaliland.

Waxaana todobaadkan magaaladda Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya safar shaqo oo qaatay muddo labo maalmood ah ku tegay wefti ay hogaaminaysay wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare).

Waxaana wasiirka safarkaasi ku weheliyay qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo khubarro aqoon u leh noocyadda iyo xanaanaynta dhirta.

Ujeedada Safarka Wasiirka ayaa la xidhiidha sidii ay ula soo wareegi lahayd dhir gaadhaysa hal milyan oo geed oo ay hore Dawladda Federaadka ee Itoobiya ugu deeqday Somaliland.

Dhirtaasi oo qayb ka ah barnaamijka (Green Legacy) oo uu hindisay Raysal Wasaaraha Itoobiya. Kaasoo bartil-maameedsanaya beerista in ka badan Lix Bilyan oo geed inta lagu jiro sannadkan ,iyada oo hal bilyan oo ka mid ah dhirtaasina ay itoobiya ugu deeqday dalalka la dariska ah ee aynu ka midka nahay.

Waxaana xadka ay wadaagaan labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland weftiga wasiirka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawlada Deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayo wasiirka Deegaanka, Ilaalinta Kaymaha Iyo Isbadelka Cimilada Xasan Cumar.

Weftiga wasiirka deegaanka Somaliland markii ay gaadhay magaalada jig-jiga waxay soo kormeertay xarumaha dhir kobcinta ee magaaladaasi, si ay   ugu kuur-gasho  dhirta cimilo ahaan Somaliland ku haboon ee lagu kobciyo xarumahaasi. Si markaas ka dib loo bilaabo qorshihii dhirtaasi dalka Somaliland lagu soo gaadhsiin lahaa.

Geesta kale wasiirka deegaanka Somaliland oo dhawaan ka hadashay mashruucani ay dawladda Itoobiya ku dhiraynayso wadamo ka tirsan Geeska Afrika ayaa si weyn u soo dhawaysay qorshahaasi.

Dhinaca kale dhirtaasi halka milyan ee geed ah ayaa shan kun oo ka mid ah waxay Somaliland soo gaadheen 21-kii bishii October ee sanadkan 2021-ka, taasoo ay la socdeen wefti heer wasiirro ah oo ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaana weftigaasi hogaaminayay wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhirtaasi oo tiradeedu gaadhayso 50,000 oo geed ayaa baabuurtii siday waxay soo gaadheen magaaladda Hargaysa, kuwaasoo ka soo kicitimay magaaladda Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Iyadoo dhirtaasi ay noqonayaan wejigii koowaad ee dhir ay dawladda federaalka Itoobiya qorshaysay in ay gaadhsiiso wadamadda la jaarka ah, si wax looga qabto dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaana dhirtaasi si rasmi ah ugala wareegtay masuuliyiin ka socday xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.Waxaana wareejinta dhirtaasi dhinaca dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya goob joog ka ahaa wefti uu hogaaminayay wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee DDS Itoobiya C/qaadir Maxamed Xasan.

Dhirtaasi ayaa isugu jirta noocyo kala duwan ayaa qayb ka ah hal milyan oo geed oo dawladda Itoobiya ugu deeqday Somaliland, taasoo qayb ka ah qorshaha cagaarinta ee uu qaatay dalka Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo ta deegaanka Soomaalida ba uga mahad celisay dhirtaasi ay soo gaadhsiiyeen.

Waxaanay sheegtay wasiirku in 50,000 kun ee geed ay qayb ka yihiin ilaa hal milyan oo geed oo la filayo in ay badhtamaha sanadka soo socda ee 2022-ka soo dhamaystirmaan.

“Run ahaantii, aad iyo aad baanu ugu mahad naqaynaa. Tiradda imika na soo gaadhay waa 50,000 oo geed, oo isugu jira noocyo kala duwan. Intii kalena way daba socotaa. Waxaan madaxweynaha dawladda federaalka Itoobiya, iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, labadoodaba uga mahad celinaynaa, iyo wasiirrada halkan noogu yimid, iyo bahda deegaanka ee shillinka shanaad ee Itoobiya.Hal milyan oo geed ayaa la filayaa, in ay ilaa bisha April ee  sanadka soo socda ay na soo gaadhaan” ayay tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee DDS Itoobiya C/qaadir Maxamed Xasan, ayaa isna tilmaamay in dhirtani ay Somaliland soo gaadhsiiyeen ay qayb ka tahay qorshihii ay dawladda Itoobiya wadamadda la jaarka ah dhir ku gaadhsiinayso.

Waxaanu yidhi, “Dawladda federaalka Itoobiya, iyo ka dawlad deegaan ahaanba, dhirtaasi waxaanu ugu tallo galnay, si iskaashiga loo sameeyo wadamadda jaarka nala ah. Qorshihii dalku uu qaatay ee Cagaaarinta, ayaa qaybtii u horaysay, aanu caawa halkan ku wareejinaynaa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland. Guud ahaanna, waa wejigii koowaad ee aanu ugu tallo galnay in lagu Cagaariyo wadamadda jaarka nala ah. Maadaama wadanka Itoobiya uu qaatay, in qorshaha Cagaarinta wadankoo dhan la wada gaadhsiiyo. Shaqaale Cagaaran si loo abuurro, ayaanu ugu tallo galnay, guud ahaanba in wadanka laga fuliyo”.

“Si markaasi ay hawshaasi dalka uga fusho, waa in wadamadda jaarka ahna la gaadhsiiyaa. Arrintaasi si ay iskaashi u noqoto. Waa qorshihii raysal wasaaraha wadanka Itoobiya uu qaatay, anaguna ka dawlad deegaan ahaan, wadamadda deriska nala ah in aanu si buuxda u gaadhsiino dhirtaasi, ayaanu qaadanay” ayuu yidhi  C/qaadir Maxamed Xasan.

Leave a Reply