Tall el-Hammam: Dhagixii Cirka kasoo Dhacay ee Magaalo Dhan Burburiyay

0
349

Maalin maalmaha ka mid ah waqti lagu qiyaasay 3,600 oo sano ka hor , dadkii dagganaa magaalada qadiimiga ah ee Bariga Dhexe, oo la yidhaahdo Tall el-Hammam, waxay iskaga mashquulsanaayeen nolol maalmeedkooda iyagoo aan ka warqabin inay kusoo socoto musiibo qarax folkaano ah oo ku xawaareyneysay ku dhawaad 60,000 oo meyl saacaddiiba.

Hawada waxaa kusoo jiray dhagax folkaano ka qarxay oo 4km kor u baxay.

Qaraxaas waxa uu ahaa mid 1,000 jeer ka awood badan bambadii atomic-ga ee lagu dhuftay Hiroshima xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka 1945-kii.

Dadkii dagganaa magaalada ayaa mar qudha ku argagaxay, markii ay si deg deg ah  ugu indho beeleen. Heer kulku wuxuu kor u dhaafay wax ka badan 3,600 Fahrenheit (2,000 degrees Celsius).

Dharkii iyo geedihii ayuu islamarkiiba dab wada qabsaday. Seefaha, masaaraha, iyo dhammaan biruhu waxay billaabeen inay dhalaalaan.

Durbadiiba, si lama filaan ah magaaladii oo dhan ayuu dab saameeyay.

Ilbidhiqsiyo kaddib magaaladii oo dhan waxaa ruxay dhul gariir. Waxaa xigay duufaan ku socotay xawaare dhan 1,200 oo meyl saacaddiiba, taasoo lagu tilmaamay duufaantii ugu awoodda badneyd ee abid la diiwaangeliyo.

Dabeysha ayaa burburisay dhammaan dhismeyaasha. Guryo 12 feet kor u dhisnaa ayay dhulka ku dartay, burburkoodana waxay ku daadisay dooxooyinka.

Cidna kama badbaadin 8,000 oo dad ama xayawaanno ahaa oo halkaas dagganaa. Meydadkoodii iyo lafahooda xitaa way shiidmeen.

Qiyaastii hal daqiiqo kaddib 22 meyl oo ka mid ah galbeedka magaalada Tall el-Hammam, ayuu qaraxa saameeyay waxaanu xaaqay illaa magaalada Jericho. Darbiyadeeda ayaa burburay magaaladiina way bas beeshay.

Waxay u ektahay in laga sheekeynayo film Hollywood ah oo naxdin leh. Haddaba sidee lagu ogaaday masiibadan ka dhacday meel aan ka fogeyn waddanka Urdun kumannaan sano ka hor?

In jawaabta la helo waxay qaadatay sameynta baadhitaan socday qiyaastii 15 sano oo caddeymo badan lagu raadiyay.

Waxaa kale oo la sameeyay u kuurgelid iyo falanqeyn ay ku howlanaayeen dad khubaro ku ah raadadka taariikhda. Waxaa iska kaashaday in ka badan toban seynisyahan oo isugu tegay dalka Mareykanka, kana kala socday waddamo ay ka mid yihiin Canada iyo Czech Republic.

 

Markii ay kooxdu daabacday caddeymihii ugu horreeyay waxaa xog laga soo aruuriyay 21 qof oo ay ka mid yihiin aqoonyahannada taariikhda dadkii hore, khubaradaha dhulka, macdan qodayaal, injineerro iyo dhakhaatiir.

Qaabkaas ayaa la isugu keenay macluumaadka la xidhiidha sida ay u dhacday masiibadaas waqtiga hore ahayd.

 

Sannado ka hor, markii ay khubarada cilmiga dadkii hore heleen raadka magaalo burburtay, waxaa u suurtagashay in ay helaan buste 1.5 mitir ah oo isu baddalay dhuxul, aashito iyo dhagax qoran oo qaarkiis uu dhalaalay.

Way iska caddeyd in meeshaas ay ka dhacday duufaanta ay baabi’isay magaalada muddo dheer ka hor.

 

XIGASHADA SAWIRKA,PHIL LIA, CC BY-ND

Ma jirin cid hubtay sida saxda ah ee ay wax u dhaceen balse musiibadaasi ma ahayn mid uu sababay folkaano qarxay, dhulgariir ama dagaal hub loo adeegsaday.

Dhammaan waxyaabahaas awood uma laha inay bir dhalaaliyaan dhagaxna biyo ka dhigaan.

Si loo ogaado waxa dhacay, kooxdeenna waxa ay adeegsadeen qalab loo yaqaanno “Online Impact Calculator” si ay ugu fiiriyaan caddeymaha xaaladdan loo hayo.

Qalabkan waxaa diyaariyay khubaro eegeysa saameynta si ay cilmibaareyaashu u qiyaasaan inta uu la ekaa waxa dhacay, iyadoo laga qiyaas qaadanayo saameynta ka dhalata waxyaabaha horay loo ogaaday iyo qaraxyada nuclear-ka.

Sida cad, dhagaxa ku habsaday magaalada Tall el-Hammam waa mid yar oo la mid ah kii ku dhacay 80 milyan oo geed oo ku yaallay magaalada Tunguska sanadkii 1908-dii.

Wuxuu noqon karaa nooca ugu yar ee dhagaxyadii eryan jiray xayawaankii weynaa ee loo yaqaanno “dinosaur”, ilaa inta ay ka suulaan 65 milyan oo sano ka hor.

Waxaan aragnay sabab macquul ah. Haddana waxaan dooneynaa caddeynta waxa maalintaas ka dhacay magaalada Tall el-Hammam.

 

 

Baadhitaanka aan sameynay waxa uu shaaca ka qaaday caddeymo kala duwan.

Goobta ay wax ka dhaceen waxaa lagu arkay jajabka dhagaxyo ka hadhay masiibadii kuwaasoo ah nooc aad qaadi u ah oo jabka ugu yar uu goyn karo lacag dhan £ 725,000. Waa dhagaxyada nooca loo yaqaanno dheymanka oo meeshaas laga helay.

 

XIGASHADA SAWIRKA,ALLEN ST, CC BY-ND

Burburka soo hadhay waxa uu u adag yahay sida ay dhagaxyada dheymnaka u adag yihiin. Mid walba wuxuu ka yar yahay muuqaalka fayraska hargabka ee lagu eego qalabka.

Waxay u muuqataa in geedihii iyo waxyaabihii kale ee yaalla magaalada ay ku dhex milmeen dhagaxa holcayay.

Dhammaan caddeymahan lasoo aruuriyay waxay sheegayaan in heer kulka magaalada uu ka sare maray midka folkaanooyinka ay sababaan, ama ka dhasha dagaallada iyo masiibooyinka kale.

 

Leave a Reply