Waayaha Dunida iyo Xaqiiqda Taariikhda

0
457

Waa mid ka mid ah xaqiiqda dhabta ah ee taariikhda la garanayo, ma la socota in sanadkii 1937 loo qabtay tartan laba sarkaal oo ciidanka Japan ka tirsan.

Tartanka ayaa ah inay seef qoorta kaga jaraan midkiiba 100 qof, kaasi oo ka hor  dhameeyaa uu guulaysan doono.

Labadan sarkaal oo magacyadoodu kala ahayeen Toshiaki Mukai iyo Tsuyoshi Noda waxa ay ahaayeen saraakiil dhalinyaro ah oo derejda gaashaanle dhexe ah waxaana ay ka tirsanaayeen guutada Toyama. Tartankaasi ayaa dhacay mudadii Japan weerarka ku ahayd dadkii Shiinaha.

Qofkii guuleystay waxaa lagu dhawaaqay 10-kii Diseembar 1937, dhowr maalmood oo keliya ka hor markii Ciidankii Japan ay qabsadeen magaalada Nanking oo wakhtigan loo yaqaano Nanjing.

Intaasi ka dibna caasimadda Jamhuuriyadda China (oo hadda ah gobolka Jiangsu) ayay ciidamada Japan qabsadeen. Bishii December 13, 1937, guud ahaan lix todobaad gudahood in ka badan 200,000 oo qof ayaa la dilay, kumanaan dumar ah ayaa iyana la kufsaday. Waxaana dalka Shiinaha maanta looga  yaqaana xasuuqii iyo kufsashadii Nanking ee Japan sameeyay.

Waxase yaab lahayd, ka dib maalinta lagu dhawaaqay labada sarkaal kan ugu dilka badan ee guulaystay, haddana  labadoodaba waxa ay isku raaceen in ay qaataan tartanka kale oo ah oo ka badan kii hore oo gaadhaya 150 qof dilkooda.  Dadka dilkooda lagu tartamaa waa shacbka Shiinaha ee duulaanka ku ahaayeen. Xasuuqaasi uu sameeyay Japan ayaa taariikhada dadka Shiinaha baal madow kaga jira oo wakhtigan ay aad u xusuusan yihiin.

 

Leave a Reply