Xikmadaha Maanta

0
558

Xaqiiqda Waayo Khibradda!

 

  • Muxtarim noqo ka hor inta aanad noqon aqoonyahan.
  • Khibradu waa aqoonta aad hesho markaad weydo arinkii aad rabtay
  • Noloshu waa riwaayad waa inaad akhridaa ilaa dhamaadka, ha isku taagan bogga murugada, waxa dhici karta in dhamaadku yahay farxad.
  • Qofna haku farxad gelin been.
  • Cadhada, murugada iyo ilmadu waa hubka dadka is dhiibay.
  • Qofka garanaya wadada guusha , ma yaqaano erayga “ Maaha suuratagal”.
  • Doqonku wuxu yidhaa wuxuu garanayo , laakiin caaqilku wuxu sheegaa wuxu ogyahay
  • Wax kastaa waxay kuugu muuqdaan sidaad adigu tahay laakin uma aragtid sida ay yihiin.

 

 

Leave a Reply