Ciidamada Booliiska Somaliland oo soo bandhigay tirrada danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2021

0
497

Hargeysa  (Dawan) – Hoggaanka hawlgelinta ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gaashanle sarre Ibraahim Cabdi Xaaji, ayaa mid mid isu dultaagay tirada guud ee danbiyadii sannadkan 2021 ka dhacay gudaha Somaliland.

Tirrada guud ee danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2021 waa 19,230 danbi, waxaa been noqday 4,400, waxa laga heshiiyay 6,085, waxa baadhis ku jira 1,077, waxa maxkamad la horgeeyay 7,668, waxa la xukumay 6,034, waxa wali gar suge ah 1,634 danbi.

Sidoo kale waxa uu hoggaanku madashada ka sheegay in askartii ugu badnayd sannadkan lagu dilay gudaha Somaliland, iyaga oo hawlaha shaqo ee booliska ku guda jira.

Hoggaanka hawlgelinta ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gaashanle sarre Ibraahim Cabdi Xaaji isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxa uu yidhi.”Tirrada guud ee danbiyada dhacay sannadkan isu gayntoodu waa 19,230, inta beenowday waa 4,400, inta heshiis laga gaadhay waa 6,085, inta baadhis wali ku jirta 1,077, inta maxkamad la horgeeyay ee gartooda la qaaday 7,668, inta xukun ku dhacay waa 6,034, inta garsugaha ahi waa 1,634.

Tirada guud ee dilalka dhacay waa 89 dil oo ay galeen 89 eedaysane, waxaana gacanta lagu dhigay 84 eedaysane, halka 5 eedaysane ay baxsadeen.

Tirrada kufsiyada dhacay waa 232, waxaana lagu eedeeyay 260 qof, waxaa la qabtay 245, halka 15 eedaysane ay baxsadeen.

Shilalka gaadiidka ee sannadkan dhacay waa 5,581, dadka ku dhintay waa 212, dadka ku dhaawacmay waa 3,771, waxana ku burburay 3,101, xoolaha ku dhaawacmay ama ku dhintay waa 458, halka  tirrada dhismayaasha ay burburiyeen tahay 102.

Mukhaadaraadka ay ciidanku qabteen sannadkan waa 41000 oo khamri ah, 3000 oo caagagood oo isbiirto ah iyo tirro kale oo xashiishad ah,  eedaysanayaasha loosoo xidhay mukhaadaraadku waa  1,313 qof.

Tirrada danbiyada abaabulan ee sannadkan la qabtay waxay ahaayeen 27 eedaysane oo 23 kamid ah maxkamad la horgeeyay, 4 ayaa baadhis ku jira.

Tirrada caruurta la tuuray sannadkan ayaa iyaguna dhamaa 40 caruur ah.

Miinada dalka laga asturay sannadkan, 1,865 xabbo oo walxaha qarxa ah, 12,646 wacyigelin ayaa laga siiyay miinada.

Dhaawici booliska loo gaystay iyaga oo shaqo Qaran ku jira, waxa sannadkan lagu dilay shaqada ciidanka booliska oo dhintay 9 xubnood oo ciidanka ah, 3 saraakiil ay tahay, 6 askar ay tahay, 51 dhaawac culus ayaa loogu geystay.

Waxaanay shaqo ka wadeen gobolka Sool taliyihii saldhiga booliska degmada Xudun shaqada lagu dilay, 3  askarina gobolka waa lagu dhaawacay, 3 waa lagu dilay 10 waa lagu dhaawacay, gobolka Togdheer waxa shaqada Qaranka ku dhintay oo lagu dilay taliyihii saldhiga booliska ee Duruqsi, 9 askarina dhaawac culus ayaa loogu geystay degmooyinka gobolka Togdheer, gobolka Sanaag taliyihii booliska degmada Garadag ayaa lagu dilay shaqada Qaranka, 20 askarina waxa lagu dhaawacay degmooyinka gobolka Sanaag,  gobolka Awdal waxaa lagu dilay shaqada Qaranka 2 askari, 2 kalena waa lagu dhaawacay dhaawacyo culus, qaybta galbeedka Hargeysa 1 askari ayaa lagu dilay shaqada ciidanka booliska, 5 askarina waa lagu dhaawacay, qaybta bariga Hargeysa 5 askari ayaa lagu dhaawacay, shaqada ciidanka booliska.

Halka waxa ka muuqata in ciidanku u dulqaadato waxyeelada ka soo gaadha dhimasho iyo dhaawacba shaqada shaqada ciidanka ee ay fulinayaan.

Danbiyada sannadkan dhacay sannadkii hore waxa ay ka yar yihiin laba kun illaa saddex kun, sabbabto ah waxa uu ahaa 21-kun, shaqada booliska ee la dagaalanka iyo ka hortaga waxa badan inta laga hortagay.”

Ciidanka booliiska ayaa warbixintan kusoo bandhigay xaflada munaasibada sannad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii ciidanka booliiska Somaliland la aas aasay, oo magaalada Hargeysa lagu qabtay.

Leave a Reply